3291 Views

ISU SOCODKII GAADIIDKA IYO DADWAYNA MUQDISHO OO XIRRAN.

____________________________________________________________________________

Sakay oo Arbaca ah reer Muqdisho iyo dad waynaha ka yimid Magaalooyinka udhow, waxay ku waa bariisteen wadooyinkii ugu Zaxmada badnaa  Muqdisho oo meel kasta ka XIRAN, iyadoo aan la ogayn sababta loo xiray wadooyinkaas. Taasina waxay dhalisay in ay istaagaan isu socodka gaadiidka dawaynaha, waxayna dad badan ku kaliftay in ay ka daahaan shaqooyinkoodii, iyadoo inta badan shacabka aysan haysan shaqooyin kaafin kara Nolol maal meedkooda. (daily life )

waxaad maqlaysaa dadweyna oo aad u calaacalaya iyo kuwo INKAARTAMAYA, waxayna dadku ka cabanayaan qaabka AQOONDARADA ah ee loo xiray wadooyinka iyo Askarta joogta wadooyinka oo ah intooda badan dhalinyaro ku soo barbaartay waqtigii FOWDADA oo si NAXARIIS DARO ah ula dhaqmo DADWAYNAHA, mana jirto cid ay uga dacwoodaan dhibka ay qabaan dadwaynaha.

Hadaba waxaa is waydiin leh Somaaliya waxay lahaan jirtay SARAAKIISHA ugu aqoonta badan dhickasta habkaq loo sugu AMAANKA, maxaa sababay in markasta si QALDAN loo xiro wadooyinka hal bowlaha ah, iyadoo CARIIRI lageliyey isu socodka dadwaynaha, taasi oo ay kaliftay in maalintaas ay Qoysaska qaar anay waxba CUNIN, waayo HOYADII iyo ABIHII u soo shaqo tagay ayaa loo xayiray sababo aan lahayn wax cudur daar ah, iyadoo loogu daro HANDADAAD iyo QORYAHA oo in dhaha laga geliyo.

Ugu dambayntii, Somaalidu waxay tiraahdaa “Hal Xaaran ah, madhasho NIRIG Xalaal ah” dhibaatada lagu hayo SHACABKA waxaa u sabab ah, ma loo dhiibin Maamulka Ciidamada Saraakiishii aqoonta u lahayd habka loo howl geliyo Ciidanka, waxaa loo dhiibay maamulka Ciidamada howl galka Shaqsiyaad lagu keenay Qabiil, Lana siiyey darajo aysan mudnayn oo aysan lahayn Aqoonteeda, waxayna dhalisay Jahawareer badan iyo Calaacal aan Cidna u ogayn Shacabkan Daalan.

Hadaba sow ma aha maah maahdii ahayd ” adoo harsan wayey, ha laguu soo hoydo” !!!!!, oo macheedu yahay dadwayne aan aysan shqooyin ay ku maareeyaan nolol maal meedkooda in loo diido in ay shaqo tagaan ama la xayiro maalinta Nuskeed, mar hadii dadwaynaha ay ka daahan Gobaha ay u shaqo tagaan, maalintaas waa ka qasaartay, mana heli karaan wixii ay ku quudin lahaayeen Qoysaskooda, waayo dadka intooda badan waxay QUUTAAN wixii ay soo shaqaystaan maalintaas, Allow umadaan adaa u maqan ee u maciin Amiin.

Qaranimo-online

Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment