7419 Views

Madaxa CRD Jabriil Ibrahim Cabdulle, oo faah- faahin ka bixiyay sababti uu u fashilmay shirka Kismaayo

Madaxa CRD Jabriil Ibrahim Cabdulle, oo faah- faahin ka bixiyay sababti uu u fashilmay shirka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 January, 2016: Jabriil Ibraahim Cabdulle, Madaxa Hey’adda Cilmi baarista iyo Wada tashiga ee CRD, ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii fashiliyay shirkii Wada tashiga ee Madaxda Soomaalida ku yeesheen magaalada Kismaayo, kaasoo aanay ka soo bixin wax natiijo ah haba yaraatee.

Jabriil, ayaa sheegay in Shirka Kismaayo uu kaga duwanaa shirarkii hore, maadaama lagu bixiyay dhaqaale Soomaaliyeed, iyadoo aysan jirin hey’ado caalamo ah oo qarash ku bixiyay, taasoo aheyd wax lagu farxo, ayna ku amaanan yihiin Mas’uuliyiinta Jubbaland.

“Ugu Horeyn Shirka KIsmaayo waxaa ku baxay hanti Soomaaliyeed, waana wax lagu farxo in Soomaali dhexdeeda shir ka dhaco, Soomaali qarashkeeda la baxo, iyadoo Hey’addo caalami ah wax shaqo ah ku laheyn, waana wax lagu farxo, runtii waxay ku fiicneyd in lagu abaal mariyo in shirkaas guul ku soo dhamaado, balse ma aysan dhicin”ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Waxaa uu sheegay in shirkan uu daba socday shirar horay uga dhacay Muqdisho, isla markaana ay aheyd inuu soo baxo qaab dalka lagu gaarsiin karo doorasho, maadaama Mas’uuliyada dowladda loo xil saaray oo aheyd in dalka gaarsiiso doorasho hal qof iyo hal cod , balse ay ka gaabisay, wana ka caga jiiday.

Mudane Jabriil ayaa xusay in sanadkii 2014 uu soo baxay wal wal Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ka qabeen in doorasho hal qof iyo hal cod dalka ka dhici karin, taasna ay keentay in la soo diyaariyo qorshayaal kale oo ku saabsan in la abuuro qaab ka duwan qorshihii hore oo ah sida ugu fiican ee dalka doorasho uga dhici karto, isla markaana la sameeyay madal wada tashi oo ay ku mideysan yihiin Saddexda Mas’uul ee ugu sareysa dowladda iyo afarta Madaxweynayaasha dowlad goboleed, xubnaha dowladda iyo maamulada qeybaha bulshada, maadaama go’aanka hal qof gaari karin waqtiga hada lagu jiro.

“Maadaama Mas’uuliyada iyo qaabka loo isticmaalayo la ballaariyay, wuxuu ahaa in wax la isku waafaqsan yahay soo baxo, in awooda aanay hal koox qaadan, sidaas ayaa madashaas loo sameeyay, hadii go’aan la gaarayana ay noqoto mid la leeyahay, bishii November waxaa soo baxday afar qodob oo laga doodayo sida doorasho uga dhici karto dalka iyo qaabka ugu fiican, illaa lix magaalo kulamo ka dhaceen, afartaas qodob talooyinka ka soo baxay ayay aheyd in dib loogu noqdo oo la isku waafaqo, ma dhicin, hadana todobo qodob kale ayaa soo baxday November sanadkii hore, waxaa la yiri go’aanka ugu dambeeya shirka Kismaayo laga soo saaraa oo 10-ka bishan in kulanka qabsoomo, mar labaad waxaa dhacday guuldaro kale”ayuu yiri Madaxa Hey’adda CRD.

Madaxa CRD ayaa sheegay in Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ay aheyd inay kulmaan ka hor shirka Kismaayo, isla markaana isu tagaan, deegaanada ay ku wareegaan, si iyagoo is qanciyay loo tago shirka Kismaayo, si go’aan la isku raacsan yahay u soo baxo, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in taasi aysan dhicin, lagana gaabiyay.

“Waxay ku qurux badneyd in waqti la geliyo inta aan la tagin Shirka Kismaayo, in Madaxda isu tagaan, oo ay is raadiyaan, deegaanada ku wareegaan, ayaga is qanciyaan, marka ugu dambeysa ee KIsmaayo la tago, ayadoo ay cadahay jidka la mari lahaa, guusha ka soo bixi laheyd la abaaro, mar kale ma aysan dhicin”ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shan cisho ama lix cisho aan lagu gaarin karin go’aan mustaqbal ah, isagoo tilmaamay in mar walba ay aheyd in marka la tagayo shirarka noocaan oo kale ah in la xeeriyo, laga sii hadlo waxa laga hadlayo, iyadoo la is qanciyo lana is afgartay la tago, balse waxaa uu xusay inay noqotay mid shacabka ay ka niyad jabaan natiijadii shirkaas laga sugayay.

“Waa marki u horeysay oo Soomaali dhexdeeda, ajnabi kuma dhex jirin, rajo badan shacabka ka qabeen ayaa jirtay oo ahaa in madaxda go’aan qaataan, wax walba waxay ku qurux badnaayeen in waqti la geliyo, in maantana la dhaho muddo lix cisho gudahood go’aan gaareynaa, runtii waa wax dhib badan, waqtiga wuu yar yahay”ayuu yiri Madaxa Hey’adda CRD.

Shirka Kismaayo ayay aheyd in go’aan looga gaaro nooca doorasho ee Soomaaliya gelayso bisha Agosto ee sanadkan, hase ahaatee shirkaasi wuxuu soo dhamaaday, iyadoo aan is faham laga gaarin, madaxdana ay ka soo kala dareeraan Kismaayo, balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mar kale dib la isugu soo laaban doono, si go’aan kama dambeys loo gaaro in kastoo aynan ahayn wax muuqda.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment