4056 Views

Shariif Xasan Shekh Aadan oo muujiyay sababta uu ugu kalsoonyahay nadaamka 4.5

Shariif Xasan Shekh Aadan oo muujiyay sababta uu ugu kalsoonyahay nadaamka 4.5
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 January, 2016: Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo maamulkiisa ay ku qanacsan yihiin in wax lagu wadaago habka 4.5.

Mudane Shariif Xasan, ayaa si aan ganbasho lahayn, cadeeyay in  ilaa Shacabka Somaliyed laga soo tiriyo oo lagu sameeyo tirakoob xalaal ah, ay doonayaan in wax lagu qaybsado Hanaanka 4.5 mararka la sameeynayo doorashooyinka iyo magacaabista Wasiirada.

“Shacabka Koonfur Galbeed waa kuwo jecel nabadda, is dhexgalka, wada deganaanshiyaha iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed, hadaba annaga waxaan taageersannahay in illaa Soomaalida laga tiranayo aan laga gudbin nidaamka 4.5” ayuu yiri Shariif Xasan .

Hadalkan Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuu ka sheegay Magaalada Baydhaba mar uu Saxaafadda uga warbixinaayay waxyaabaha uu kala soo kulmay Shirkii lagu soo kala dareerayee ku soo dhamaaday Magaalada Kismaayo.

Fikrada Sharif Xasan, dad badan oo Soomaali ah ayaa la qabo oo dhahaayo waa in tirakoob la sameeyaa oo la ogaado sida Gobollada loo kala deganyahay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment