3252 Views

“Shirka ugu dambeeya ee go’aanka lagu gaarayo Kismaayo ayuu ka dhacayaa”

“Shirka ugu dambeeya ee go’aanka lagu gaarayo Kismaayo ayuu ka dhacayaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 January, 2016: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in, shirka Madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo hanaanka doorasho ee Soomaaliya, lagu qaban doono magaalada Kismaayo halkaas oo go’aanka ugu dambeeyo lagu gaari-doono

Axmed Madoobe ayaa sheegay in la isku soo laaban doono, isla markaana la gaari doono heshiis, waxaana uu xusay in Soomaalida ay shirto, isla markaana isugu timaado.

“Hadaan nahay reer Kismaayo naguma cusba, marti gelinta waanu baranay, wax culeys ah nama saareyso, saxiixa ugu dambeeya Kismaayo ayuu ka dhacaa, sidaa la socotaan shirkii Garowe 1 iyo Garowe 2 ee 2012 looga gudbay marxalada siyaasada Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

War murtiyeed laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in wada xaajoodkii Kismaayo Madaxda Soomaalida uga wada hadleen sidii ay isugu waafaqi lahaayeen qaab doorasho oo wadar ogol ah, kaasoo waafaqsan Baaqii Muqdisho, isla markaana dowladda Federaalka dhowaan marti gelin doonto kulan kale oo lagu dhameyn doono waxyaabaha xaga farsamada, lana soo saari doono go’aanka ugu dambeeya

Shirkii ka socday Kismaayo ayaa noqday mid aan wax go’aan ah laga soo saarin, isla markaana Madaxda isku raacin qaab doorasho oo marxalada hada lagu jiro looga gudbayo, iyadoo dowladda Federaalka bilooyin uga harsan tahay mudada waqtigeeda ku egyahay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment