3696 Views

Duqa Muqdisho oo la Kulmay Madaxda London

Duqa Muqdisho oo la Kulmay Madaxda London
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 January, 2016: Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo safar shaqo ku jooga magaalda London ee wadanka Ingiriiiska kulamo kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada London.

Mudane Xuseen yuusuf Jimcaale iyo wafdigii uu hogaaminayay waxay kulan gaar ah oo ay albaabadu u xiran yihiin la qaateen ku xigeenka duqa magaalada London Mudane Roger Evans oo ah Kusimaha Duqa Magaalada London, iyo saraakiil sare oo ka tirsan maamulka magaalada London.

Waxyaabaha laga wada hadlay ayaa mid ah, qorshe lagu mantaaneeynaayo labada magaaalo ee London iyo Muqdisho iyo sidii la iskaga kaashan lahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo dhinacyada amniga, iyo in magaalada Muqdisho laga kaalmeeyo kaabayaasha dhaqaale ee lagama maarmaan ka u ah in Muqdisho ay isku filnaato dhanwalba.

Mudane Roger Evans iyo maamulkiisuba waxa aay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin wax wada qabsiga iyo iskashiga labada dhinac iyo gacansiinta Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Booliska magaaladaaasi kuwaas oo iyana ay kala hadleen sidii kaalintooda ay uga qaadan lahaayeen gacan siinta Booliska Muqdisho.

Dhanka kale Duqa magalada Muqdisho, waxa uu la kulmay madax sare oo ka socota labada wasaaradood ee kala ah Wasaarda Arimaha Dibada iyo Wasaarada iskaashiga caalamiga ah, waxyna ka wada hadleen ,howlaha iyo wadashaqeeynta ka dhexeeysa maamulka gobolka Banaadir iyo labadaan wasaaradood,

Waxeyna wasaaradahaan, warbixin guud ka siiyeen Duqa magaalada muqdisho howlaha 2016 ay ka saacidayaan maamamulka Gobolka Banaadir si uu u gutto maamulka gobolka hawlihii loo Igmaday.

Gudoomiyahan Gobolka Banaadir, Mudane Yusuf Xuseen Jimcaale waxa uu isagana dhankiisa warbixin faahfaahsan ka siiyay strategiyada maamulkiisa cusub uu ugu talo galay 2016 inuu ku maareeyob arimaha sugitaanka amniga, horumarinta adeegyada aay bixiso dowlada hoose ee Muqdisho iyo baahinta maamulka Gobolka Banaadir.

Kulaman is daba jooga ah waxaa ugu danbeeyn ka soo baxay is afgarad buuxa iyo iskaashi labada dhinac ah. Wasaarada Iskaashiga Caalamiga ah waxa ay balanqaaday in marka aay u dhamaato dib u eegista ay ku qiimeeyneeyso siyaasadeeda ku wajahan horumarinta caalamiga ah, in aay mudnaan gaar ah siineeyso mashaariicda horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada muqdisho.

Kulamadaan is daba jooga ah waxaa ugu danbeeyn ka soo baxay is afgarad buuxa iyo iskaashi labada dhinac ah.

hhh1Untitled

Untitled.pnghhh

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment