19890 Views

Ex. Ciyaaryahanad Xaawo Taako ‘Caatanimada ayey iigu baxday Xaawo Taako’ wareysi’

Ex. Ciyaaryahanad Xaawo Taako ‘Caatanimada ayey iigu baxday Xaawo Taako’ wareysi’
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2016 – Waxaa inoo suurta gashay inaan Wareysi la yeelano Laacibadii caanka aheyd ee  Gabdhaha Kubada Koleyga LLPP iyo Xulkii Qaranka Soomaaliya Xaawo Sheekh Axmed oo lagu naynaasi jiray Xaawo Taako ama Iron Lady Markaad Maqshid  Waxaad soo xasuusaneysaa Gabadhii caanka ku aheyd Barisamaadkii Kubada Koleyga Soomaaliya magacna u soo jiiday Soomaaliya,Hadaba halyeeyadaasi ku gaamurtay Dhinaca isboortiga Gaar ahaan Kubada Koleyga 25 sano ee u dambeysana Door weyn oo muuqda ka soo qaadatay  Dhiirigalinta Ciyaaraha ayaan Maanta idiin soo gudbineynaa Wareysi aanu la yeelanay waxaana Wareysigii uu u dhacay sidatan.

.

xaawo-taako-2Su’aal: Xaawo taako Halkee ku dhalatay,Xiligee iyo maxay kugu baxday Naynaasta Xaawo Taako.
.
Jawaab:  Waxaan ku dhashay Gobolka hiiraan Magaalo madaxdiisa  B/weyne oo xiligaasi uu madax ka ahaa AUN Aabaheey,waxaana magaalada noogu yiilay Guryaheenii iyo Beertii Awoowgeey,waxaana ku koray waxbarashadana aan ku qaatay Magaalada Muqdisho.
.
Neynaasta Xaawo taako waxa ay iigu baxday anigoo dhiganaya Dugsigii Hoose dhese ee alfalaax oo ku yiilay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir,waxaan ahaa qof aad u dhuuban oo caato ah waxa la igu mitaali jiray 1 taako marka la eegay sida aan caatada u ahaa.
.
Su’aal: Waxaa nagu maqaala ah inaad yaraantaadii xisiseyn jirtay Ciyaaraha hadaba Goorma ayaad ku soo biirtay Ciyaarta Kubada Koleyga yaana kugu gacan siiyay Bilowgaagii Ciyaarta kubada Koleyga oo aad magac weyn ku laheyd Barisamaadkii
Jawaab:  Waa runtaa waxaan  jeclaa Ciyaaraha si gaar ah orodada,kubada Cagta waxaan ku soo baxay orodka a oo aan u ordi jiray Dugsiga shibis waxaan oradayay 100 m,400m 800m,isla marka waxaan ciyaalka xaafada la ciyaari jiray kubada Cagta waqti yar ka dib waxaan u lexday kubada kolayga oo aan u saftay iskuulka  shibis,isla sanadkaasi waxaan ka mid noqday  ciyaartoydii Degmada yaaqshiid waxaan la ii qatay ciyaartoydii ku ciyaaraysay magaca Gobolka Banaadir, cid igu gacan  siisay ma jirin aniga waxaan ahaa qof ilaahay haybad igu siiyay jeclaana k.kolyga ama isboortiga.
.
Su’aal: Xasuusataa Ciyaartii kuugu faraxada badneyd iyo tii kuugu  naxdinta badneyd mudadii aad  u ciyaareysay Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Kooxdaadi gabdhaha Kubada Koleyga LLLPP.
.
Jawaab:  Waxaan ka mid noqoday oo aan ka mid ahaa Gabdhihii lagu aasaasay Naadigii LLPP ama Howlaha Guud,waxaa igu farxad  badanayd intii aan ka tirsanaa LLPP ciyaaro faro badan oo aan soo koobi karin sababtoo ah waxaan ahaa qof isku kalsoon ciyaar walba oo aan safanayo waxaan jeclaa in aan mujiyo ciyaar wanaag oo dadka aan ku soo jiito  kalsoonidooda anoo og in la kala badin karo Lakiin aan dadka tuso ciyaar wacdaro  leh oo aan magaca ku yeeshay.
xaawo-taako-3
.
Su’aal:  Ciyaarhan kasta marka uu Garoonka ku jiro cid buu xiiseeyaa inay ka garab ciyaaraan,adiga yaad jecleyd inay kula galaan Garoonka markaad u ciyaareysay Xulka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya iyo Naadiga Howlaha guud ee Jeenyo.
.
Jawaab: Ciyaartii aan ka naxo ama aan ka xumaado waxay ahayd ciyaar aan ku soo  bixi lahayn final ka anaga iyo Masar Lakiin dagaal naga dhax dhacay ayaa madaxdeenii ay ka baxeen cayaartii sidaasi ay masarna  kaga baxeen ayagana  sidaasi waa malintii iyo naxdin badnayd meesha waxaa ku qaatay koobkii  lubnaan iyo suuriya ,sorry markaan soo xusuusato waan ka xumaadaa.
.
Su’aal: Ciyaaryahan kasta marka uu Garoonka ku jiro cid buu xiiseeyaa inay ka garab ciyaaraan,adiga yaad jecleyd inay kula galaan Garoonka markaad u ciyaareysay Xulka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya iyo naadiga Howlaha guud ee Jeenyo.
.
Jawaab: Waa Runtaa waxaan jeclaa in ay garabkeyga  igala ciyaaraan Walaashay Hindiyo,afeey hodan,markay noqoto qarankana waxaan jeclaa in ay garabakayga ka ciyaaraan Wariiri AUN Saharo gurey iyo gabdho kale oo aan ku soo koobki karin halkaan .
.
.
Sida qaalibka ah jeenyo intii xasuusata waxay ahaayeen  kooxaha ka dhisan dalka kuwa ugu fiicnaa marka isweydiin uma baahna inta koob ama munaasabado aan qaadanay.
.
Su’aal: Markii uu dhacay Burburka qaar badan ooa ad ka mid aheyd ciyaaryahanadii Soomaaliya dibada ayey u baqooleen adiga Markiia a d tagatay Dibada kama seexan dhiiraginta Ciyaaraha maxaa sababa
Jawaab: Walaal waa runtaa aniga waxaan dalka ka tagay burburkii dalka ka dhacay 1991 waxaan aaday Yurub waxaana tagay dalka iswiserland  magaalada Geneva oo aan ka bilaabay in aan koox u ciyaaro caruurtayadana aan ku barbaariyo in ay ciyaaraan kubada kolayga,ilaahay mahadii Geneva ku noolaa mudo ku dhawaad toban sano kadibna waxaan aaday London oo aan deganahay, markaan imid London sidaasi kuma dhaafin ciyaaraha ee waxaan bilaabay in aan caruurtayda iyo caruurta  Somaliyeedba a in aan meshaasi uga bilaabo abaabul xoogan isagoo garab aan ka helayo sowjekga Dr Osman Shiis oo ka mid ah isagana ciyaartoydii Horseed iyo qaranka somaliya qayb muhiim ah igala qaatay, waxaan diyaariyay caruur badan oo ka qayb gali jiray ciyaaro Lagu qaban jiray yurub qaybaheeda kala duwan, isla markaana aan ka qayb  qaatay markii laga soo bilaabo 2009 aan imid dalka ilaa iyo mantadan aan ahay gudoomiye kuxigeen XSKK in aan garb tagnaado isboortiga  si kastoo ay noqoto wixii aan tari karo in aan ku taakuleeyo ayaa iga qo an dalkeyga  xaq ayuu igu leeyahay wixii.aan ugu abaal gudi karana cid ugama hibaysanayo.
.
Su’aal: Sidee ua aragtaa dib u soo nooleynta Isboortiga Soomaaliya  Xiligaan.
.
Jawaab: Waxaan aad iyo aad ugu farxsanahay horumarka laga gaaray tan iyo xiligii uu burburkii ka dhacay dalkeena dib loo soo celiyay hanaankii kubada kolyga oo ah habeen la ciyaaro, taasina waxaa iska leh XSKK madaxadooda howsha ay iska wax uqabso ugu shaqeeyaan dal kooda waan ku amaanayaa  inta noo dhimana ilaaheey hanla qabto.
.
Su’aal: Ugu dambeyntii Xaawo Sheekh Axmed maxaad ugu baaqeysaa bahda isboortiga.
>
Jawaab: Waad ku mahadsanatahay fursadaan qaaliga aad I siisay walaalkay waxaan ugu baaqayaa Bahweynta isboortiga  jecel kuwii hore iyo Kuwa cusbuba  marka hore qof walboow waxaad ogaataa in aad dalkaan  aad adiga leedahay cidina aan ka xigin  dib u dhiskiisa,tan labaad  qabiil ma laha waa adi iyo dadimadaada inaan is kaashano oo aan meel ka soo wada jeedsano oo qof walba uu geestiisa ka qabta XSKK qof ma laha sida aad ku arkeysaan magaciisa somaaliya ayaa leh marka qofkii ku abtirsda dhiniciisa ha ka qabto waxa loo dadaalayo waa Dalkeena oo mudo ka maqnaa hawada caalmka ee ha loo istaago axya somaaliya axya wadani.
.
.
Xaawo Taako Waxaa loo Magacaabay 20-1-2016 madaxa suuqgeynta   East and Central Africa Intercities basketball championship ( ECAIBC).
>
.
Waxaa Wareystay
 Axmed Maxamed cabdulle’ Uurdoox’
_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment