3282 Views

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la ismari la’ayahay.

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la ismari la’ayahay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 January, 2016: Sida laga warqabo, waxaa wali hakad ku jira shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo aan wali si rasmi ah loogu guda gelin wajiga labaad ee shirka, kadib markii qaar ka mid ah beelaha dega labada gobol ay ka hor yimaadeen qeybintii odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada.

Shirka oo 12-kii bishan si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wixii xilligaas ka dambeeyay wax shir oo kale dhicin.

Guuxa iyo Cabashada ka imaanaya beelaha ayaa ka dambeysay markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo bandhigtay sida loogu qeybiyay tirada odayaasha soo xulaya ergada ee la xareynayo.

Qaar ka mid ah Ergooyin ku sugnaa magaalada ayaa isaga baxay, kadib markii ay sheegeen in la duudsiiyay xaqooda, isla markaana lagula dhaqmay cadaalad daro, waxaana taasi ay keentay inay dib u sii dhigto wajiga labaad ee shirka. Eeda waxa la sheegayaa in Wasiirka Arimaha Gudaha uu leeyahay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda labada gobol ayaa ku dhaliilay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, in aysan si cadaalad ah u qeybin saamiga beel walba ku laheyd labada gobol iyo in aan lagu tixgelin deegaanada ay degaan.

Wufuuda dowladda ee ku sugan Jowhar iyo Muqdisho ayaa wada kulamo lagu dhameynayo cabashooyinka, waxaana lagu wadaa in wafdi ka socda dowladda Federaalka ay u ambabaxaan Beledweyn, si beelaha diidan shirka iyo qaabka uu ku socdo loo qanciyo, hadii ay suura gal noqoneeyso.

Inkastoo dib u dhac badan uu ku yimid howlaha maamul u sameynta labada gobol, tan iyo markii la saxiixay isku darka labada gobol bishii Agosto ee sanadkii hore, ayaa hadana waxaa laga cabsi qabaa inuu gaab sii galo howlaha dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Arrinta ka socoto Jowhar ayad moodaa in ay jiitameeyso, taasna waxa ay keeni kartaa in sida Shirki Kismaayo lagu kala dareero.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment