5052 Views

Xasan Sheekh Iyo M/weyne Geele oo ku sii jeeda Gobolka Hiiraan.

Xasan Sheekh Iyo M/weyne Geele oo ku sii jeeda Gobolka Hiiraan.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 January, 2016: Xasan Sh.Max’uud, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta tagayaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,waxaa kale oo Magaaladaasi isna imanaya Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismail Cumar Geelle.

Safarka labada Madaxweyne ayaa la sheegayaa in uu la xiriiro isbeddel lagu sameynayo Taliska Ciidanka Jabuuti ee AMISOM ka tirsan qeybta Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Jabuuti Cismaan Dubad ayaa la filayaa in lagu beddelo Taliye kale oo dhawaan la soo magacaabay.

Munaasiabadda ay xilka ku kala wareegayaan Labada Taliye ee Ciidanka Jabuuti ee jooga Hiiraan ayaa la filayaa in ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Xasan Sh. Max’uud iyo Ismail Cumar Geelle oo isla joogo Baladweyne.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment