5820 Views

47 Arday oo dhamaysay Xifdinta Quraanka Kariimka oo Xaflad loogu Qabtay Degmada Baargaal

47 Arday oo dhamaysay Xifdinta Quraanka Kariimka oo Xaflad loogu Qabtay Degmada Baargaal
____________________________________________________________________________

Baargaal | QOL | January 21, 2016 – Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu abaalmarinaayay  47 arday  oo isugu jira Wiilal iyo gabdho oo dhamaysay xifdinta quraanka kariimka , ayaa galabta ka dhacday xarunta Dugsiga Xifdinta Quraanka kariimka iyo tarbiyada islaamka ee Daar Aw Cumar ee Degmada Baargaal.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Nabadoono , cuqaal , waxgarad, Culamo Awdiin , Ganacsato iyo Masuuliyiinta Maamulka Degmada oo uu horkacaayay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baargaal mudane Yuusuf Maxamed Xirsi ,  waalidiinta dhalay ubadka wax ka barta dugsiga Daar-Aw cumar, macalimiinta iyo maamulka dugsiga, iyo marti sharaf kale oo badan.

Xafladan Ayaa  waxaa Lagu daahfuray aayado quraan ah oo uu akhriyay arday kamid ah ardayda wa kabarata Dugsiga Kadibna waxaa hadalka furay maamulaha dugsiga Cawil jaamac Muuse Asagoo soo dhaweeyay martidii xaflada kasoo qayb gashay.

Sidoo Kale waxaa Xaflada Ka hadlay Nabadoon Axmed salad C/raxmaan asagoo u hambalyeeyay ardayda, macalimiinta iyo waalidiinta maantay caruurtooda la abaalmariyay, aadna u amaanay doorka waalidiinta iyo macalimiintu ku leeyihiin  guusha ay gaareen ilmahoodu xafladan ayaa waxaa sidoo kale hadalo qiimo leh ka jeediyay Masuuliyiin Ka socota Maamulka Degmada, waalidiin ,xubnu kamid ah guddiga waxbarashada , culimo iyo marti sharaf kale oo badan , kuwaaas oo dhamaan u hambalyeeyay ardaydan xifdisay kalaamka alle oo ah wax la barto waxa ugu khayrka badan.

Ugu Danbayntii Xaflada ayaa Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Baargaal Yuusuf maxamed Xirsi iyo masuuliyiin kale waaxay Gudoonsiiyay abaalmarin  iyo shahaadooyin ardaydii  xifdisay quraanka kariimka.

baargaal-arday-qalinjebisay-6 baargaal-arday-qalinjebisay-7 baargaal-arday-qalinjebisay-3 baargaal-arday-qalinjebisay-1 baargaal-arday-qalinjebisay-2baargaal-arday-qalinjebisay-5 baargaal-arday-qalinjebisay-4baargaal-arday-qalinjebisay-10 baargaal-arday-qalinjebisay-13 baargaal-arday-qalinjebisay-12 baargaal-arday-qalinjebisay-11 baargaal-arday-qalinjebisay-9

.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment