4506 Views

DAD BADAN OO AY WAJIYADOODA KA MUUQATO WALWAL IYO WALAAC?

DAD BADAN OO AY WAJIYADOODA KA MUUQATO WALWAL IYO WALAAC?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 22, 2016 – Dad badan oo ay wajiyadooda ka muuqato wal wal, walaac iyo argagax oo buux dhafiyey Isbitaalada ugu waweyn magaalada Muqdisho iyagoo raadinaya, Caruurtooda iyo Eheladooda oo ay waxyeelo ka soo gartay Qaraxii ka dhacay Xeebta Liido.

Hadaba dadkaasi oo ay wajiyadooda ka muuqatay Murugo iyo walaac badan ayaan ka helin Ciidamada Amaanka wax gar gaar ah oo u sahli kara qaabka ugu HABOON oo  ay ku helikaraan warbixinada ku saabsan dadkooda, dadka inta badan taagan isbitaalada hortooda waxaa u badan Haween iyo dad waayeelo ah.

Dhib kasta oo dhaco wuxuu ku dhacaa QADARTA ALLE, laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo mudan in la iswaydiiyo, taasi oo ay sabab u tahay waqtiga ay wax dhacayaan oo goobahaas inta badan aysan joogin Ciidan ku filan DIFAACA shacabka, taasina waxay dhalisay in ay mar walba ku dhintaan shacab badan, iyadoo dadka inta badan ay qaar xabaduhu dilaan, dadka qaarna ay isbuurtaan iyo iyadoo mar walba dadka uu laayo Gaari lagu qarxiyo markasta albaabka ay shacabku ku soo cararaan si ay uga baxaan.

Hadaba waxaa is waydiin mudan arimahan Qaldan ee marwalba dhaca, Ciidamada Amaanka maka bartaan CASHARO u noqda aqoon kororsi u sahla qaabka ugu haboon ee loo badbaadiyo dadwaynaha?, waayo waxaa inta badan dadka ay ku dhintaan qarax aysan filaynin iyagoo naf lacaari ah.

Ugu dambayntii, waxaan leeyahay Sharaakiisha masuulka ka ah Amaanka Shacabka waa in ay wax ka bartaan Qaladaadka ay maalin kasto arkayaan ama ay samaynayaan Ciidanka laftiisa, waana in la Abuura ama la diyaariyaa Xeeladahii iyo siyaabaha ugu haboon ee loo badbaadin karo dadka RAYIDKA ah.

Mar aan tagay goobtii dhibka ka dhacay ayaan lakulmay Nin oday ah oo raadinayey Ehelkiisa, wuxuuna ii sheegay “in ay u sheegtay qof dumar ah oo la dhalatay will ka ahaa kabalyeeri maqaayada in uu u sheegay Nin ka mid ah CIIDANKII ilaalada ka ahaa xeebta in uu kusoo dhex cararay Shacabka isagoo naf lacaari ah, markii uu maqlay rasaasta Cadowga”.

Hadaba askarigaasi ma la dhihi karaa wuxuu u taagnaa difaaca dawaynaha, waayo waxay ahayd in uu dhinto ama uu dhawacmo inta aan la soo gaarin dadka rayidka ah, waana sifaha lagu yaqaan Askariga Naftiis hura ah, waxaana ceeb iyo sharaf xumo u soo hoyatay ciidanka nabadgelyada.

waxaan leeyahay “Askariyow Xaal qaado”, waayo magacaa lawadaagaa ee GEESINIMADA lama wadaago!!!.

.

Qaranimo-Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment