4992 Views

Garoon ku yaal Talyaaniga oo loogu magac daray Saamiya

Garoon ku yaal Talyaaniga oo loogu magac daray Saamiya
____________________________________________________________________________

Samiya Yuusuf Cumar-1Italia | QOL | January 22, 2016 – Garoon kubadda cagta lagu cayaaro oo ku yaalla magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, ayaa loogu magaca daray Samiya Yuusuf Cumar, oo aheyd oradyahan Soomaaliyeed, oo bishii April ee sanadkii 2012 ku geeriyootey badda Medhitareeniyaanka ee u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga.

Saamiya ayaa waqtigaas dooneysay inay Yurub gasho si ay tababar sareeya oo la xiriira xirfaddeeda orodka u hesho.

Saamiya ayaa Soomaaliya u matashay ciyaarihii Olombikada ee sanadkii 2008-dii lagu qabtay magaalada Beijing ee caasimadda China.

Magacaabistan ayaa la sheegay inay ka dambeysay buug uu qoray qoraa Talyaani ah, oo Saamiya ku saabsanaa, kaasi oo si aad ah looga aqristay dalka Talyaaniga.

ITALY-garoon-loogu-magac-5 ITALY-garoon-loogu-magac-3 ITALY-garoon-loogu-magac-4 ITALY-garoon-loogu-magac-2 ITALY-garoon-loogu-magac-1 ITALY-garoon-loogu-magac-da

 

.

.

Ismaaciil Diyeeshe | qoslaye10@hotmail.com

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment