11160 Views

Wax ka baro taariikhda ciyaaryahanad Astur Jeenyo

Wax ka baro taariikhda ciyaaryahanad Astur Jeenyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 22, 2016 – Xidigtii Kubada Koleyga Soomaaliya ee Barisamaadkii Astur Jeenyo Magaceeda oo sadexan waa Astur Jaamac Cilmi, waxa ay ku dhalatay Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug 1962,waxaana ay ku soo barbaartay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir oo ka mida degmooyinka Caanka ah ee Caasimada Muqdisho

Marka aan Astur ka hadalno nolosheeda iyo sidii ay ku bilowday Ciyaaraha,runtii waxa ay aheyd gabar aad u jecleyd Ciyaaraha,waxaana ay waxbarshada ku dhameysatay Dugsigii sare ee 15ka mey ee Degmada Warta Nabada’ ex Wardhiigleey’
AUN Macalin Ajaako iyo Cali Amiin ayaa ku dhirigaliyay Xaga Ciyaaraha si ay mustaqbal Buuxa ugu yeelato,waxaana ay sheegtay Astur Jaamac in labadaasi Macalin ay u heyso Abaal gaara Runtii door weyna ku lahaayeen soo shaac bixideedii
Astur oo  Dareenkeedu ku weynaa isboortiga waxa ay nasiib u yeelatay inay magac weyn ugu soo hoyso Dalkeeda Soomaaliya iyadoo huwan  magaca Ciyaaraha Fudud oo ay soomaaliya u mataleysay Tartankii  Ciyaaraha Fudud ee Aduunka ee lagu qabtay Dalkii Horay loo oran jiray Midowga soofiyeeti,guushaasoo  Qaranka Soomaaliyeed aad ugu Faanaan Runtii,waxaana ku wehlinayay Ciyaarahaasi oo qabsoomay 1977  Ciyaartoydii kala ahaa Nadiifo,Cali Baashi iyo Cali Dheere.
Astur-Jeeny
Ciyaaryahanada Heerka Qaran ee Soomaaliyeed Astur Jaamac Cilmi  markii ay 1977 u safatay Heerka 2 ee Kooxda Dekadaha lana arkay farsamadeedii kubadeed ayaa waxa ay ka mid noqotay Heerka 1 ee isla Naadigaasi Sanadkii 1978 xiligaasi oo ciyaaraha kubada Koleyga ay aad u shidnaayeen
5 sano ka dib  Sanadkii 1983 Astur jaamac Cilmi waxaa looga gacan Haatiyay Gabdhaha Somalita ee Wakaaladii Muuska Ummada oo ka mid ahaa Gabdhaha ugu adkaa xaga Kubada Koleyga,waxaana y u safatay Sanadihii 1983-1984 kumana Raagin iyadoo la qaaday 1 janaaraal daauud oo kaliya.
Ciyaaryahan Astur Jaamac Cilmi ka sakow Ororada iyo kubada Koleyga hadana waxa ay hiwaayad u laheyd xaga Isboortiga,waxaana labadaasi Ciyaarood u wehiyay Ciyaarta Kubada Laliska iyo handball,iyadoo Sanadkii 1979 u matashay gabdhaha Soomaaliya Xidigihii uga qeybgalay Sanadkaasi Tartankii Jaamacada Carabta.
Xidigada ku Gaamurtay Kubada Koleyga Soomaaliya Astur Jaamac Cilmi oo oo aheyd Laacibad aad ugu wanaagsan Ciyaarta kubada Koleyga aadna u kasban jirtay Maamulka ,Macalimiinta,Ciyaartoyada iyo Taageerayaasha ayaa bartamihii 80 meeyadii waa Sanadkii 1985 waxa ay ku biirtay Gabdhaha Naadiga Howlaha Guud iyo Guryeynta oo loo Yaqaan LLPP ama Jeenyo,waxaana Markii ay Astur Timid Kooxda jeenyo ay ka baxday haraadkii ka heystay Koob la,aanta waxaaana Laacibada loo xiray Lambarka 9 iyadoo Kooxda Gabdhaha jeenya  Gacanta ka Saartay koobkii ugu horeeyay ee ay hantaan Taasoo  ka yaabisay Taageerayaasha Jeenyo naadiguna waxa uu  noqday mid waa cusub u baryay imaatinkii Astur Jaamac Cilmi,iyadoo kula guuleysatay 3 Horyaal iyo 2 Janaral daauud
gabdhaha-kubadda-koleyga
lambarkii 9 ee Gabdhaha jeenya Astur Jeenyo  waxa ay  ka mid noqotay Xulka  Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya Sanadkii 1986 iyadoo loo xiray Lambarka Buuxa ee 10,waxa ayna xulka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya kala qeyb gashay Tartankii Isreebreebka Zone-ka 5aad e Qaarada Afrika oo labadiisa qeybood ee hore iyo tan danbe ay ka kala dhaceen Magaaloyinka Muqdisho iyo Nayroobi ee Wadamada Soomaaliya iyo kenya.waxa ayna tartankaasi ka muujisay Ciyaar wanaag iyo asluub
 Xidigadii Caanka aheyd ee Xulka Qaranka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya  horana u soo martay Kooxaha Badda,Somalita iyo LLPP Marka ay garoonka ku jirto Runtii Kubada aad bay ula qeybsan jirtay  Saaxiibadeeda waxaana ay aheyd Laacibad aad loogu tashan jiray
Sanadkii 1988 ayey si rasmi ah uga fadhiisatay Ciyaaraha,wixii xiligaasi ka dambeeyay ilaa waqtigaana oo ay  ku nooshahay Dalka dibadiisa kama caajisin Dhiirigalinta isboortiga
ugu Dambeyntii Astur jaamac Cilmi waxaan oran karnaa waa mid ka mida Hablihii ugu Caansanaa Kubada Koleyga Soomaaliya oo baal dahab ah  kaga jira isboortiga Soomaaliyeed
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment