13845 Views

Weerarkii Xeebta Liido iyo khasaaraha oo kordhay ” Daawo Sawirada”

Weerarkii Xeebta Liido iyo khasaaraha oo kordhay ” Daawo Sawirada”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22 January, 2016: Dad ka badan dhowr iyo 20-ruux ayaa ku geeriyootay weerar isugu jiray qaraxyo iyo toogasho oo xalay fiidkii ka dhacay maqaayada Liido Sea Food, halkaasoo goob lagu shaaho, dadweynahana ay u nasasho tagaan, waxaana weerarka uu ahaa mid ku bilowday rasaas ay dabley hubeysan la dhaceen dadkii banaanka xeebta fadhiyay ee ku shaahayay.

Kooxda hubeysan ayaa u suura gashay inay gudaha maqaayada u soo galeen, dabadeedna toogtaan dadkii rasaasta hore ka bad baaday iyo kuwii kale ee cararayay, waxaana gudaha ay ku sugnaayeen in ku dhow toban saacadood, waxaana markii dambe toogtay ciidamada gaarka u tababaran oo gudaha maqaayada soo galay, kadib marki saacado is rasaaseyn xariir ah dhax martay.

Tirada dhaawaca ayaa kor u dhaafayay 40 ruux, kuwaasoo la kala geeyay goobaha caafimaadka iyo isbitaalo kala duwan, waxaana ku jira kuwa dhaawacooda uu halis yahay.

Dadkii xalay oo dhan raadinayay dadkooda ee ka maqnaa, nolol iyo geeri ku la’aa ayaa saaka tagay maqaayada liido, halkaasoo ay yaaleen meydad dhowr ah oo isugu jiray rag, dumar iyo caruur.

Meydadka ayaa waxaa ka mid ahaa hooyo iyo wiil ay dhashay oo 7 jir ahaa, sidoo kal wiil kale oo afar jir ah ayaa ciidamada bad baadiyeen, inkastoo waalidiintiisa ay dhinteen

Wiil saddex jir ahaa ayaa la dhigay isbitaalka Madiina, kaasoo la sheegay in hooyadiisa xalay ku dhimatay weerarkii Liido.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in kooxaha ka dambeeyay weerarka gebi ahaanba la toogtay, sidoo kalena la qabtay ninkii ka dambeeyay weerarka ee hagayay, kaasoo uu xusay inuu horay u maleegay weeraradii ka dhacay Hotelada Central iyo Maka Al-Mukarama.

Maqaayadaha Liido ku yaal, ayaa waxaa isugu taga dadka qurabaha ka yimaada, dadka caadiga ah, dhalinyarada, dadka ka tirsan dowladda, inkastoo uu yaraa khasaaraha soo gaaray shaqsiyaadka ka tirsan dowladda, waxaana weerarkan sheegatay Al-Shabaab oo horay weeraro ceynkan oo kale ah ka geysatay Hotelo ku yaal magaalada Muqdisho.

qaraxa-liido-1

Somalis wait on the beach for news and to collect the bodies of their relatives following an overnight attack on a beachfront restaurant in Mogadishu, Somalia, Friday, Jan. 22, 2016. Somalia's security forces ended a deadly siege of a beachfront restaurant in the capital, with many killed in the attack, a police official said Friday. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

People search for friends and family amongst dead bodies on the beach, following an overnight attack on a beachfront restaurant in Mogadishu, Somalia, Friday, Jan. 22, 2016. Somalia's security forces ended a deadly siege of a beachfront restaurant in the capital, with many killed in the attack, a police official said Friday. (AP Photo/Mohamed Sheikh Nor)

Somalis walk past the wreckage of vehicles outside a beachfront restaurant following an overnight attack of the restaurant in Mogadishu, Somalia, Friday, Jan. 22, 2016. Somalia's security forces ended a deadly siege of a beachfront restaurant in the capital, with many killed in the attack, a police official said Friday. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

People carry away a dead body from the beach following an overnight attack on a beachfront restaurant in Mogadishu, Somalia, Friday, Jan. 22, 2016. Somalia's security forces ended a deadly siege of a beachfront restaurant in the capital, with many killed in the attack, a police official said Friday. (AP Photo/Mohamed Sheikh Nor)

EDITORS NOTE: GRAPHIC CONTENT - People search for friends and family amongst dead bodies on the beach following an overnight attack on a beachfront restaurant in Mogadishu, Somalia, Friday, Jan. 22, 2016. Somalia's security forces ended a deadly siege of a beachfront restaurant in the capital, with many killed in the attack, a police official said Friday. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment