4518 Views

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo lagu sagootiyay magalada Baladweyne

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo lagu sagootiyay magalada Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23 January, 2016: Magaalada Beledweyne, ayaa waxaa xalay lagu qabtay Xaflad ballaaran oo lagu sagootinayey cutubyo katirsan ciidamada wadanka Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaas oo uu waqtigoodiii dhammaaday. Munaasabadda lagu sagootinayey ciidamadaano lamagacbaxay Hiil-walaal, ayaa waxaa ka qaybgalay maamulka gobolka Hiiraan, kan Beledweyne saraakiisha ciidamada Jabuuti, kuwa Soomaalida iyo qaar kamid ah shacbaka kunool gobolka Hiiraan. Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Maxamed Daba-geed iyo duqa magaalada Beledweyne Macalin Cismaan Cadbi Qalaafoow, ayaaa sheegay in shacabka aysan hilmaami doonin tallaabadiii cidamada AMISOM ay ka qaateen sugidda ammaanka degmada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan. Kornayl Tawane Axmed Gureey oo ah taliyaha guutada tobnaad ee ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadan ay door badan ka qaateen dhanka howlgallada iyo dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, wuxuuna ku ammaanay waxqabadki ay ka geeysteen Gobolka Hiiraan, ayaga oo aad ugu hagar baxay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment