6738 Views

Dadki ku Dhaawacmay Dagaalki Lido oo Caafimaad Dibadda loogu Qaadayo.

Dadki ku Dhaawacmay Dagaalki Lido oo Caafimaad Dibadda loogu Qaadayo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23 January, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe tagay Xeebta Liido, kadib weerarkii habeen hore ku qaadeen Al-Shabaab,  ayaa sheegay in dowladda ay xil iska saari doonto sidii dadkii ku dhaawacmay weerarkii Xeebta Liido oo aan dalka wax loogu qaban karin in dibada loo qaado.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay inay xusuusan doonaan dadkii ku dhintay weerarkii Liido, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab inay u soo jeestaan beegsiga goobaha shacabka sida uu yiri.

“Inta dhaawaca ah wixii dadaal dheeri ah oo aan Soomaaliya wax looga qaban karin dowladdu waxay dadkaas u qaadi doontaa Dibadda, inta dhimatay ee kooxaha nabadeedka dileen waa xusuusan doonaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay noqdeen naf la caari, isla markaana la arki doonaa berri iyagoo weeraraya goobaha nugul, sida Iskuulada, suuqyada iyo masaajidada.

“Nimankaas nabad diidka ah duruuftooda waxay ku sugan tahay, Madaxtooyada weerar, Golaha Baarlamaanka weerar, Guriga Cadaalada gal, halkaas ayay ka yimaadeen, berri waxaa la arki doonaa iyagoo meelo intaas ka sii nugul inay weeraraan, sida Iskuulada, Masaajidada iyo suuqyada, iyagoo weeraraya la arki doonaa, tabartoodana intaas ayay u sii dhamaaneysaa, dadka dhiigiisa inay daadiyaan wax kale oo u soo haray ma jirto”ayuu yiri Madaxweynaha.

Tirada dadkii ku dhintay weerarkaas ayaa la xaqiijiyay inay ka badan tahay 25 ruux oo u badan dad rayid ahaa, kuwaasoo ahaa dadkii u nasasho tagay xeebta, kuna shaahayay maqaayadda Liido.

Weli tirakoob dhab ah lama hayo, balse waa wax laga sugaayo Dowlada iyo dadki maqaayada lahaa in ay soo cadeeyaan tirada dhaawaca iyo dhimashada inta ay gaarsiisan-yihiin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment