4128 Views

WAR DEG DEG AH OO TIIRAANYO IYO MURUGO LEH!!!

____________________________________________________________________________

QAAR KA MID AH DADKII JOOGAY BAAR LIIDO OO LA LA’YAHAY?

Sida ay sheegayaan Waalidiin iyo Ehello ay Caruurtooda joogeen Baarliido markii ay ka dhacday Masiibada ayaa la la’yahay meel ay JAAN iyo CIRIB dhigeen, waxaa jira wal wal, murugo iyo jahawareer aan meel loo raaco lahayn oo ka mid noqotay nolosha dadka ay caruuraha ka maqanyihiin, mana la oga sababta keentay arintan.

Sida ay sheegeen waalidiinta, waxay tageen dhamaan Isbitaalada la geeyey Meydadka iyo Dhaawacyada si ay u soo helaan maydadka ama dhawacyada caruurtooda, waxayna kala soo noqdeen GACMO MARAN iyo murugo, waayo qof aad nolol ku ogayd oo aan lahayd dhimashadiisa iyo dhawaciisa waa calool Xumo aduun !!!.

Wararka aad loo hadal hayo ayaa waxay leeyihiin sidee ayaa lagu wayn karaa dadkan, “ma BADDA ayey isku tuureen, mase XABSIYADA ayey ku jiraan, maadaama aysan jirin guryo soo dumay oo loo malayn karo in ay weli dadka qaar ku hoos jirikaraan.

Wax waraar cad ah oo ku saabsan dadka la la’yahay ama tirakoob la sameyey oo ka soo baxay laamaha Amaanka ma jiraan, waxayna ahayd in lala kurboodo Shacabka walaacsan oo lala dadaalo inta ay ka QUUSANAYAAN, laakin arintu waxay noqotay “meeshii cir laga filaayey, ayey Ceyryaamo ka timid”

Ugu dambeyn waxaan Alla ka baryeynaa in uu Alla SAHLO caruurta maqan, hadii ay dhinteena Alla haka siiyo Samir iyo Imaan dadkii dhalay Amiin Amiin.

ALLOW U GAR GAAR UMADAADA, UNA  SAHAL AMUURAHOODA ADAA AWOOD LEHE.

Walee waa maalintay Rag iyo Rabbi u baahnayd Somaali ee yaan la fududeysan, Somaaliyey!!!.

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment