5925 Views

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo baaritaan ku sameyn doonto dawada xoolaha

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo baaritaan ku sameyn doonto dawada xoolaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24 January, 2016: Wasaarada Xanaanada Xoolaha, ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in lala socdo Dawooyinka xoolaha ee dalka la soo galiyo si looga fogaado cudurada aan la aqoon ee ku dhacay Xoolaha dalka.

Cabdinaasir Maxamed Gaarane ayaa oo ah W/ku xigeen, ayaa sheegay in Wasaaradda ay xoogga saari doonto sidii loo koontarooli lahaa dawada xoolaha oo uu sheegay in ay dhibatooyin badan ay ka dhasheen dawo dhacday oo xoolo lagu duray, taasi oo saameyn ku yeelatay dad xoolo dhaqato ah.

“Waxaan qorsheyneynaa in aan iska kaashano Wasaaradda Ganacsiga oo aan koontaroolno wixii dawo ah ee soo galaya dalka, iyadoo aan la kaashaneyno dhaqaatiir dhanka daawada Xoolaha ku taqasusay ay howshaasi ka qeyb qaadan doonaan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha ayaa intaa ku daray in Wasaaraddu ay diiwaan gelin doonto shaqaalaha ka howlgalla xarunta Wasaaradda si loo kala saaro qofkasta waxa uu taqasus u leeyahay, taasi oo uu ku tilmaamay inay horseedi karto in shaqaalaha Wasaaraddu ay awood u yeeshaan la socodka daawo kasta oo dalka soo galaysa iyo tayadeeda inta ay la egtahay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment