3177 Views

Baarlamaanka oo maanta dhagaysanaya sharciga leylitirka iyo deeqaha siyaasiyiinta

Baarlamaanka oo maanta dhagaysanaya sharciga leylitirka iyo deeqaha siyaasiyiinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 25 January, 2016: Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ayaa dhageysanaya akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeed ku saabsan xuquuqda leylitirka iyo deeqaha ay leeyihiin siyaasiyiinta dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah habdhowraha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga xeer hoosaadka ee Barlamaanka ay ku mashquulsanaayeen soo diyaarinta hindise sharciyeed ku saabsan xuquuqda leylitirka iyo deeqaha ay leeyihiin siyaasiyiinta, kaasi oo uu tilmaamay in uu mari doono akhrinta koowaad.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sharcigan uu ahmiyad u leeyahay dalka maadaama ay gabogabo tahay waqtiga hay’adaha dowladda, iyadoo haddii ay dhacdo in xubnaha labada gole marka ay doorasho dhacdo qofka aan ku soo biirin ee aan dib ugu soo laaban masraxa siyaadda in il gaar ah lagu eego xuquuqda uu yeelanayo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa xusay in Guddiga gaadiidka ee baarlamaanka ay warbxin u gudbin doonaan golaha shacabka mar dhow.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment