4422 Views

Maanka Muddulood waa Mudacyo Afkood !

Maanka Muddulood waa Mudacyo Afkood !
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 25, 2016 – Waxaa aay Somalida dhahdaa Ogaa-diid waxaa laga dhaxlaa naceeyb iyo xumaan, waxaan ognahay in nidaamka 4.5 lagu soo meel gaaray oo aan manta haysano dowlad aan ku meel-gaar aheeyn, 4.5 waxaa looga bixi karaa hal cod iyo qof ,waxaan aad ugu farxay marki uu Madaxweeyne Prof.Xassan Sheekh u sheegay reer Puntland in waxii aay ayaga gaariwayeen oo ah habqeeybsiga degaanka Puntland balse aay ka doorbideen in aay qabiil ku qeeybsadaan maamuladii ay soo mareen kuna nabad heleen in aay manta raadiyaan wax umada Somali u horseedi kara burbur iyo kala tag,Muddulood kuwa sheegta ee uu ugu horeeyo Cali Geedi ,Jeele iyo Baadiyow oo an ognahay taariikhda mugdiga ah ee aay soo marsiiyeen Muddulood kuna fikir ah reer Puntland in aay horboodaan masiirkii Muddulod.

Waxaan leeyahay inta xildhibaan ee Muddulood kaga jirta baarlamaanka dowlada Federaalka waxeey noqdeen kuwa lagu qasaaray weliba dhabarka u jeediyay Madaxweeyne Xassan Sheekh,waxeey iloobeen nabada iyo horumarka dalka uu ku talaabsaday xiliga adage e madaxweeyne Xassan,waxaan leeyahay waxeey iloobeen in Madaxweeyne Xassan Sheekh lagu xasuusan doono maamulada uu dalka ka hirgeliyay iyada oo la ogyahay xiligii uu dalka hogaanka u qabtay in eey jirtay Puntland kalya oo magan u aheeyd dowlad walba oo la soo dhiso,waxaan soo xusuustay xiligi Siyad Bare halkudhig ahaa Jileec iyo Jareer jimeeyow jalle Siyaad,waxaa dhaheeynaa manta Puntland iyo Galmudug,Koonfur-Galbeed iyo Jubaland iyo inta soo socoto simmow jaale Madaxweeyne Xassan.

Shacabka Muddulood aad ayuu ulla dhac-san yahay nabada iyo horumarka uu dalka gaarsiiyay Madaxweeyne Xassan,waxaana rajeeynayaa inta dhiman in uu dhameeystiro,haddii uu soo noqon marlabaad waxaan leenahay Madaxweeyne Xassan waxaan haysanaa wax aan kugu xasuusano Somaalidana gaarsiin kara sinnaan iyo cadaalad,kuwa siyaasada Muddulood horboodaya waxaan leenahay imaanka ilaah ha idin geliyo,2016 waxan rajeeynaa in uu Muddulood soo xusho xildhibaano karti iyo hufnaanba leh,dalka iyo dadka wax u qabankara  ee eeyan noqon kuwa u adeega Puntland iwm.

Madaxweeyne Xassan haddii uu heli lahaa wadaniga Muddulood inta leeysku haysto manta leeyskuma haysan laheeyn,xussuuso Badiyow markii uu waayay xilka Madaxweeyne waxuu noqoday mucaarad maankiisa ka guuxayo maruu madaxweeyne I dhaha,side laguu aaminaa iyada oo dharaarcad umada Somali aay kaa dooratay Prof.Xassan ilaah Madaxweeyne noogakaa dhigin manta dalka waxuu u noqon lahaa in gunta aay gobta xukunto,dalkana aad gacanta u geliso wax ma garad aan wadani aheeyn.

Loo Riyaaq-yow laguna reeysayee Madaxweeyaha runtahow raali baan ka nahee roonoow adaa roonow.

.

Dr. Ali A. Hirabe                      Hirabe_a@hotmail.com

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment