4410 Views

Macalin Wanger vs Arsenal oo guuldaro ay ka soo gaartay Chelsea….

Macalin Wanger vs Arsenal oo guuldaro ay ka soo gaartay Chelsea….
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 24, 2016 – Kooxda Arsenal oo safka hore kaga jirtay Hogaaminta Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 ayaa dhaafi weysay Kooxda ay Xifaaltamaan ee Chelsea kana dhisan Caasimada Ingiriiska ee london.waxaana Arsenal oo marti loo ahaa Looga Badiyay 0-1,guuldaradaasi oo ka curyaamisay inay Hogaanka ku sii dhaganaato

Kulanka loogu magacdar Derby London oo ay labadaan Naadi Fooda iskud araan 2 Meerto ee Horyaalka Ingiriiska ayaa xili ciyaareedkaan waxa uu noqday mid Chelsea labada lugoodba ay ku badiyaan
Weerar iyo Weerar celis ayey labada Naadi Arsenal iyo Chelsea is dhaafsadeen Qeybtii Hore ee Ciyaarta, waxaana qeybtaasi intii lagu guda jiray Calaamada Cas ka qaatay Arsenal difaacooda Reer Germany Per Merteseckar  ka dib markii uu jilaafeeyay Daqiiqadii 18 Weeraryahanka Reer Spain ee Naadiga Chelsea D.Costa
Daqiiqadii 23 ee qeybtii hore ee Ciyaarta kubada la soo dhigay afka Goolka Arsenal waxaa shabaqa ku aamusiyay 19 D.Costa waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay ku horeeyaan Chelsea.
isku soo laabadkii qeybta danbe Kooxda Arsenal dardar xoogan ayey la timid waxaan dhowr jeer ay halis galiyeen Goolka Chelsea,waxaana Ciyaartii ay ku soo  Gabagaboday 0-1 Loogu Awood sheegtay Arsenal.
Guuldarada soo gaartay Arsenal waxa ay ka dhigan tahay inay hoos uga dhacdo Hoaganka Horyaalka ingiriiska 2015-2016 oo ay maalmahaan daadihineysay,waxaana Horyaalka oo maraya Meertadiisii 23 Ku Horkacaya 47 Dhibcood Kooxda Leicestar City oo uu wato Macalinka u dhashay Talyaaniga  ee Ranieri,kaalinta 2 waxaa min 44 dhibcood wada leh Kooxaha Man city iyo Arsenal,Kooxda Man city ayaana goolasha ku horeysa,halka Kaalinta 3 ay soo guurguuraneyso Kooxda Totenham oo leh 42 dhibcood
Xaga dhibacaha waxaa ugu hooseeya Horyaalka ingiriiska 2015-2016 Kooxda Aston Villa ee ka dhisan caasimada 2 ee Ingiriiska Magaalada Bermingham waxaan ay leedahay13 dhibcood
Kulan kale oo ka tirsan Meertada 23 ee Lugta 2 ee Horyaalka ingiriiska 2015-2016 oo la ciyaaray Axad 24-1-2016 waxa uu dhexmaray Kooxaha Everton vs Swansea city,waxaana 1-2 ku Badiyay Kooxda ka dhisan Gobolka Walles ee Swancea City halka la garaacay Kooxda Magaalada Liverbool ka dhisan ee Everton.
N.B usbuucaan Meertda 23 ee Horyaalka ingiriiska Kooxaha laga Badiyay waxaa ugu tun weyn Man utd iyo Arsenal oo min 0-1 looga adkaaday,waxaa fakatay Liverbool halka Man city la qabtay.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment