3651 Views

Madaxweyne Xasan oo dalka dib ugu soo laabtey

Madaxweyne Xasan oo dalka dib ugu soo laabtey
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 25 January 2016 – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Aqaba ee dalka Boqortooyada Haashimiyiinta Urdun kaga soo qeybgaley shir madaxeed gaar ah oo looga hadlayey isku-dubbaridka, xoojinta iyo iskaashiga dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Madaxweynaha ayaa shirkaasi uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, waxaana intii uu halkaa joogey kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qeybgashey shir madaxeedka oo uu ka mid yahay Boqorka Jordan, Boqor Cabdalla Bin Xuseen.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo mas’uuliyiin kale.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment