3042 Views

Midowga Africa oo ciidamo hor leh u soo dirayso Soomaaliya

Midowga Africa oo ciidamo hor leh u soo dirayso Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 25 January, 2016: Hogaamiyaasha midowga Africa qarkood, ayaa ku kulmay magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxayna kaga hadleen weerarada kala duwan ee kooxaha amni darada ka geysanayaan dalka Soomaaliya iyo waxyeelada ka dhalatay weerarada kala duwan ee ka dhacaya magaalooyinka qaar.

Madaxda Midowga Africa qaarkood ayaa kulanka ay ku yeesheen magaalada Kampala ee dalka Uganda waxay kaga hadleen qorshaha mustaqbalka ciidamada AMISOM ee kusugan dalka Soomaaliya iyo waxa laga yeelayo.

Kulanka oo shalay ka dhacay Kampala ayaa waxaa diirada lagu saaray weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Gedo oo Alshabaab u geysteen ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan saldhiga deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Munaasabadaan ayaa la sheegay in laga soo saaray in midowga Africa uu ciidamo dheeraad ah usoo diro dalka Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo.

Ciidamadaasi ayaa gaar ahaan waxaa loogu so diri doonaan magaalada Muqdisho waxayna gaarayaan 2,000 oo askari oo lagu kordhinaayo kuwi horay u joogay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment