4050 Views

Waxaa laga yaabaa Beelaha Reer Hiiraan in ay Diidaan Federalka.

Waxaa laga yaabaa Beelaha Reer Hiiraan in ay Diidaan Federalka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 25 January, 2016: Waxaa la ogyahay in wali hakad ku jira shirki maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maalmahan ka socday magaalada Jowhar.

Sababta ka dambeeysay hakadka, waxay ahayd marki qaar ka mid ah beelaha dega labada gobol ay saluugeen qaabka loo qeybiyey guddiga odayaasha soo xulayada xildhibaanada uu yeelan doono maamulka.

Beelaha xanaagsan ee sida gaarka ah u cabanaya shirkana isaga baxay waxa ay u badanyihiin kuwa kasoo jeeda gobolka Hiiraan, qaarkood shirweyne ayey u fadhiyaan iyaga oo la filayo in ay soo saaraan go,aan ay kusoo gudbin doonaan aragtidooda ku aadan shirka.

Calinur Xaaji Boodaaye oo ka mid ah Xildhibaanada kasoo jeedo gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyey wasaaradda arrimaha gudaha in ay u wakiilatay farsamada shirka wasiirada kasoo jeedo labada gobol taasoo macnaheeda ay tahayah, buu yiri, in talada laga wareejiyey dadka dagan labada gobol.

‘Qaladka waxa waaweeyaan nidaamka loo maray shirka waa mid ka duwan sidi maamuladi hore ee la dhisay, Tusaale ahaan wasaarada arrimaha gudaha waxay u wakiilatay wasiiro kasoo jeedo labada gobol, waa masuuliyiin qaran laakn waa dad go,aanka ay soo saaraan ay macnaheedu tahay in ay dowladu go,aan soo saartay, waa in talada la siiyaa dadka deegaanka’’ayuu yiri Xildhibaanka oo saakay u warramayey laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Waxa kale oo uu sheegay in beelaha dagan Hiiraan ay hada u fadhiyaan shirweyne ay uga tashanayaan aayahooda iyo waxa kaga aadan shirka ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Boodaaye, ayaa intaasi ku daray in natiijada kasoo baxdo shirkaasi laga yaabo in ay ka mid ahaan karto, in beelaha ay dhahaan annaga ma rabno federaal oo waxaan ka mid ahaan doonaa dowladda dhexe.

Shirkaan ka socda Jowhar ayaa waxaa laga filayey in laga dhaliyo maamul goboleedki ugu danbeeyey ee ku biira maamulada faderaaliga ah ee hadda ka jira Waddanka.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment