3315 Views

22-Xisbi siyaasadeed oo dacwad ka gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha

22-Xisbi siyaasadeed oo dacwad ka gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 January, 2016: Axsaab gaarayaa 22 xisbi ee ka jira dalka ayaa maalintii shalay u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa)

Gal dacwadeed ay ku saxiixnaayeen Mas’uuliyiinta 22 Xisbi siyaasadeed ayaa waxaa guddoomay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Avv. Ceydiid Cabdulaahi Ilka-xanaf, waxaana gudbiyay 8 xubnood oo wakiil ka ahaa 22-ka xisbi ee u saxiixday dacwada lagu soo oogay R/Wasaare Cumar Cabdirashiid.

C /qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulan ayaa ka hor aqriyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dacwadaas ay dulucdeedu tahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha ay jebiyeen dustuurka Soomaaliya, ayna ka hor-taagan yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Xisbiyada Siyaasadeed xuquuqda uu u ogol yahay Dustuurka oo ah in la sharciyeeyo Xisbiyada Siyaasadeed, iyadoo muddo sanad ku dhow ay Hindise sharciyeedkii Xisbiyada Siyaasadeed ay meer-meerinayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha “Odawaa.”

Halkaan ka aqriso Qoraalka Dacwada 22-ka Xisbi siyaasadeed oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Saxaafadda maxalliga ah.

dacwo-1-1dacwo-2-1

liiska-xisbiyada-0 liiska-xisbiyada-1 liiska-xisbiyada-2

20160125_12463820160125_12355220160125_134317

 

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment