3612 Views

Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa oo loogu baaqay in ay si gaar ah ula socdaan arrinta Jabuti.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa oo loogu baaqay in ay si gaar ah ula socdaan arrinta Jabuti.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 January, 2016: Midowga Africa iyo Qarmada midoobay ayaa loogu baaqay in ay ku cadaadiyaan dowlada Jabuti in ay ka joojiso caburinta iyo gacanta birta ah ee ay kala hortageyso mucaaradka, xilli wadankaas uu u diyaar garoobayo doorashooyinka madaxtinimada ee dhici doonta bisha April.

Urur Fadhigiisu yahay Paris una dhaq dhaqaaqa arrimaha siyaasada ee Africa, ayaa warqad furan oo uu u diray Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa waxa uu ku muujiyay tallaabooyinka  uu rajiimka madaxweyne Ismacil Cumar Gelle xoog ugu adeegsaday dhawaan taageerayaasha mucaaradka. Waxa kale oo ururku walaac ka muujinayaa go,aanka uu madaxweyne Gelle ku gaaray in markiisi afraad uu u tartamo xilka madaxweynaha ee sannadkaan.

Fara ku fiiqaan ayaa waxa ay ka danbeeyay kadib marki bishii December 21-keedii ay ciidamada amaanka dileen ilaa iyo 19 ruux oo u dabaaldagayey dhalashada Nabi Muxamed (NNKH), hase yeeshee oo ay dowladu ku sheegtay in ay ahaayeen dad qas wadayaal ah.

Mar dhow ayaa la ogaaday in mid ka mid ah dadka dhintay uu ahaa gabar lix sano jir aheyd, taasi oo dhimashadeedu uu xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibada Jabuti Mahamoud Ali Youssouf,oo wareysi siiyey Wakaalada wararka AFP.

Dadka Dowlada madaxweyne Gelle diidan, ayaa dhowr jeer ku eedeeyey madaxweyne Gelle kaligii talinimo iyo inuu caburiyo dimoqraadiyada, halka dadka taageera dowlada ay ku amaanaan madaxweyne Geelle nin wadani ah oo horumariyey dhaqaalaha iyo magaca dalka yare ee ku yaala geeska Africa ee loo yaqaan Jabuuti.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment