5226 Views

Xisbiga Kulan oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon rug cadaagii

Xisbiga Kulan oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon rug cadaagii
____________________________________________________________________________

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN 

Muqdisho, 26-Janaayo-2015 –  Xisbiga Kulan oo ka tiiraanyeeysan geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Xaaji Gobdoon oo ahaa ruug-cadaa saxaafadeed oo saakay waaberigii ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

marxuum-goobdoonGudoomiyaha Xisbiga Kulan Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan- Barnaamij ayaa yiri “Inagoo ka murugeysan geerida ku timid Marxuum Cabdi Xaaji Gobdoon, waxan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Qoyska reer Xaaji Goobdoon, Ubadkiisii, Walaalilihiis, Ehelkiisii, Wariyaasha Soomaaliyeed meel kastooy joogaan, iyo Ummada Soomaaliyeed.

Dhanka kale Marxuumka waxan EEBBE ugu baryaynaa danbi dhaaf iyo in uu geeyo Janadii fardowsa, Dhamaan Ehelka, Qaraabada, Asxaabtana iyo dhamaanteen Samir iyo iimaan inuu naga siiyo” Gudoomiye C/qaaidr Barnaamij ayaa isagoo tiiraanyeeysan yiri” Marxuukma waxaan ku xusuustaa in uu ahaa nin wadani ah oo dalka jecel, warfaafinta jecel, waayo arag khibrad badan leh wuxuuna intaan ahaa Madaxa Xafiiska Madaxweynaha 2009 iyo markaan Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed Agaasimaha ka ahaa waxaa uu nala wadaagi jiray khiradiisa, gaar ahaan qaabka ay shaqeeyn jireen, waxaa uu nala wadaagi jiray khibradiisii Xiligii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee” Gudoomiye C/qaadir Barnaamij ayaa intaa ku daray “Waxaa isuga kaaya Danbeeysay Marxuumka Hotel SYL isagoo markaa iiga sheekeyay Xisbigii Leegada ee SYL wuxuuna u rajeeyay Xisbiga Kulan in uu noqdo sida SYL taladiisuna waxay ahayd in Xisbiga Kulan iyo Culumada Suufiyada xiriir xoogan uu dhex maro iyadoo aan ka codsaday arinkaas in uu isagu nagala shaqeeyo, runtii waxaa ummadda soomaaliyeed ka baxay nin qiimo badan” Gudoomiye C/qaadir Barnaamij ayaa gunaanadkii  balan qaaday in Rajadii Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon Xisbiga kulan fulin doono.

.

— Warfaafinta Xisbiga Kulan–

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment