3453 Views

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Qeybgeli Doono Aaska Askartii Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Qeybgeli Doono Aaska Askartii Kenya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 January, 2016: Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Nairobi uga qaybgeli doona aas qaran oo loo samaynayo ciidamadii Kenya ee lagu laayey weerarkii Ceel-cadde; sida waa sheegay afhayeenka madaxweynaha Kenya Manoah Esipisu.

Madaxweyanah dalka Kenya Uhuru kenya, saraakiisha ciidamada Millatariga iyo sidoo kale qoysaskii ay askartoodii dhimatay ayaa maanta kaga qaybgeli doona aaska askartaasi xerada ciidamada Moi oo ku taalla Degmadda Eldoret ee Galbeedka Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa sidoo kale baahiyey in madaxweynaha Nigeria Maxamaduu Buhari iyo madax kale oo African ah ay ka qaybgeli doonaan aaska ciidamada dalka Kenya ee lagu laayey weerarkii Alshabaab ee Ceel-cadde.

Madaxda ayaa marka ay tacsiya gutaan kadib, aadi doonaan magaalada Ethiopia ee Addis Abeba, si ay uga qeyb galaan Shirweynaha 26-aad ee Madaxweynayaasha Dowladaha Afrikaanka oo furmi doona maalinta Sabtida ee soo socoto oo bishu tahay 30ka.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment