3900 Views

Shirki ka Socday Muqdishu oo Guul-darro ku Dhamaaday

Shirki ka Socday Muqdishu oo Guul-darro ku Dhamaaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 January, 2016: Madaxda Federalka ah ee Soomaaliya iyo maamul Gobileedyada wadanka ayaa ku guuldaraystay inay ka heshiiyaan hanaanka doorasho ee Soomaaliya xilli ay shirar Muqdisho kuleeyihiin weli. Shirka ayaa waxaa uu noqday mid lagu kala kaco kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu miiska soo saaray in dalku qaatay hanaanka qabaliga ah ee 4.5.

Hada waxaa dhexdhexaadinta kujira xubno kasocda beesha caalamka. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isku raacsan in doorashada lagu saleeyo habkii hore ee awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed ee 4.5.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland waxa ay ku adkeysanayaan in Doorashada lagu saleeyo hab deegaan, waxaana ay sheegeen inaysan qaadan doonin fekir ka duwan kan dadkooda qabaan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment