3822 Views

Soomaaliya oo Musuq-Maasuqa ka gashay Kaalinta Kowaad

Soomaaliya oo Musuq-Maasuqa ka gashay Kaalinta Kowaad
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 January, 2016: Warbixin cusub oo ay soo bandhigtay Transparency International ayaa sheegtay in Soomaaliya a safka hore uga jirto wadamada ugu musuq maasuqa badan ee adunka ka jira.

Xaqiiqadaan cusub ayay Hey’addu u diiwaan gelisay in Soomaaliya, Kuuriyada Waqooyi iyo Afghanistan ay yihiin wadamada ugu hooseeya ee ugu musuq maasuqa badana adduunka

Hey’adda Transparency International ayaa warbixinteeda sanadlaha ah oo ay baahisay maanta oo arbacdo ah taariikhduna tahay, 1/27/2016, ayay ku sheegtay in fikradaha laga uruuriyay khuburo ka kala socda adduunka lagu cabiray heerka musuq maasuqa ee qeybta dhaqaalaha ay dowladaha maamulaan

Dalalka ayaa lagu cabiray dhibco u dhaxeeya 1 illaa 100, ayada oo dhibcaha yar ay la macno yihiin musuq maasuq sareeya.

Soomaaliya iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa warbixinta ay siisay 8 dhibic midkiiba, halka Afghanistan ay heshay 11, taasi oo macanaheedu yahay in Soomaaliya iyo Korea-da Woqooyi ay wadaagaan kaalinta koowaad ee dalalka ugu musuq maasuqa badan caalamka.

Lama sheegin dal helay dhammaan boqolka dhibcood, waxaase 91 helay dalka Denmark, halka Finland iyo Sweden ay heleen 90, kuwaas oo ah dalalka ugu musuq maasuqa yar.

Sidoo kale Mareykanka ayaa warbixintan lagu xusay inay heshay 76 dhibcood, heerka musuq maasuqa Adduunka.

Hay’adda Transparency International, ayaa sheegtay in 6 bilyan oo qof oo ah badi dadka adduunka ay ku nool yihiin dalal musuq maasuq xooggan uu ka jiro cid ku haysatana aysan jirin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment