5289 Views

Wiil Soomaali ah oo loo haysto inuu dilay gabar u dhalatay Sweden

Wiil Soomaali ah oo loo haysto inuu dilay gabar u dhalatay Sweden
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 January, 2016: Wiil la sheegay in uu jiro 15 sano oo asalkiisu yahay Soomaali, ayaa loo xirey dilka gabar dhalinyaro ah oo u dhalatay dalka Sweden oo xilli habeen ah lagu diley mindi.

Alexandra Mezher oo 22 jir ah, kana shaqeyneysay xarun lagu xanaaneeyo carruurta aan waalidkood la socon ee magangalyo laga siiyay dalka Sweden ayaa lagu diley mindi xilli habeenimo ah magaalada Mölndal ee ku dhow Gothenburg. Waxayna gabadhan u geeriyootay dhaawacyo ka soo geeray mindidi lagu dhuftay.

Booliska dalka Sweden ayaa haatan haya wiilka lagu eedeynayo inuu ka dambeeyay dilka gabadhan xanaaneynaysay, waxayna boolisku u mahadceliyeen labo dhalinyaro ah oo qabatay wiilkan lagu eedeeyay dilkain uu asaga geeystay.

Dalka Sweden ayaa ka mid ah wadamada ay aadka u jecel yihiin dadka soo galootiga ah ee ka tagaya wadamada ay dagaalada sokeeye ka dhacayaan. Waxaana haatan wadamada Midowga Yurub ay ka digayaan in aysan xamili karin qaxootiga faraha badan leh ee wadamadooda ku soo qulqulaya kuwaasoo dambiyo ka geysan kara Yurub hadii an la iska joojin.

Waxana uu falkan imanaya iyadoo ay sii kordheyso tirade weerarada dambiyada ah ee ay geysanayaan dadka magangalyo doonka ah gaar ahaan labadii sano ee la soo dhaafay.

Horaantii toddobaadkan booliska Stockholm ayaa ka digey rabshado ay ka sameynayaan koox dhalinyaro asalkodu yahay Morocco mdi kamid ah xarumaha laga raaco tareenada,waxana dhalinyaradaas lagu eedeeyay in ay xatooyo iyo faduulin ku hayaan gabdhaha halkaas tareenada ka raacaya.

Dalka Sweden ayaa waxaa uu qaabilay dad gaaraya 160,000 oo soo galooti ah sanadkii 2015, tiradaa oo ah tan ugu badan ee wadamada Yurub uu qaabilo.

Waxana uu qirey ra’iisal wasaaraha Sweden Stefan Lofven in dad badan oo dambiyo geysanaya ay qaabileen, waxana dalka Sweden uu ogoladay in uu magangalyo siiyo carruur faro badan oo aan waalidkood  la soconin

Alexandra Mezhera ayaa ka soo jeedaa dalka Lubnaan waxana uu aabaheed yimid dalka Sweden sanadkii 1989kii iyadoo hooyadeedna saddex sano kadib timid Sweden.

Dhacdadaan la sheegay in uu ka dambeeyay wiil Soomaali ah ayaa ku soo beegmaya xilli ay booqasho ku joogaan dalka Soomaaliya saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Sweden. Dalka Sweden ayaa safaarad ku leh magaalada Muqdisho.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment