4020 Views

C/wali Gaas iyo Beesha Caalamka oo isku dhegan

C/wali Gaas iyo Beesha Caalamka oo isku dhegan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 January, 2016: Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa go’aanka shirka wadatashiga kadib kulan uu albaabada u xirnaa la qaatay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii ku wehlinaayay socdaalkiisa Muqdisho.

Shirka oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa islamarkaana u dhexeeyay Wakiilka iyo Xubnaha Puntland ka jooga Somalia, ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Villa Hargaysa ee Madaxtooyada Somalia.

Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating iyo ku-xigeenkiisa, ayaa Wafdiga Madaxweyne C/wali Gaas kala hadlay arrimo dhowr ah, waxa ayna iska wareesteen arrinta la xiriirta go’aanka laga gaaray shirka, Qaabka leysugu afgartay in lagu soo xulo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka iyo arrimo kale.

Sidoo kale waxa ay kawada hadleen sidii loo ambaqaadi lahaa go’aanada shirka islamarkaana loo xoojin lahaa arrimaha kale ee harsan, inkastoo C/wali Gaas uu kulankasi ka cadeeyay mowqifkiisa.

C/wali Gaas ayaa Wakiilka QM Mr Michael Keating u sheegay in lama taabtaan ay tahay aragtida shacabka reer Puntland waxa uuna sheegay in Cod uruurintii dhawaan deegaanada maamulka ka dhacday ay shacabka Puntland u codeeyen in qaab deegaan lagu soo xulo Xildhibaanada bedeli doona kuwa hadda jira, sidaa darteedna Puntland aysan aqbali doonin go’aanka kasoo baxay shirka.

C/wali Gaas ayaa sidoo kale u sheegay Michael Keating in Puntland ay marwalba u heellantahay sidii loo heli lahaa dawladnimo Soomaaliyeed oo sax ah oo ku dhisan caddaalad islamarkaana haysata kalsoonida shacabkeeda, hayeeshee go’aanka hadda kasoo baxay shirka uusan aheyn mid raali galinaaya Shacabka Puntland.

Dhanka kale, Michael Keating ayaa C/wali Gaas iyo Xubnaha la socday u ballanqaaday in doorashada ay ku qaban doonaan wakhtigeeda, balse ay dhankooda ka muujiyaan dabacsanaan Siyaasadeed.

C/wali Gaas ayaa laga diidan yahay in uu magaalada Muqdisho ka baxo illaa iyo intii uu ka aqbalayo heshiiska la gaaray maadaama Axmed Madoobe uu taageeray heshiiskaasi.

Waa ay u badantahay in C/wali Gaas aqbalo waxa uu soo jeediyo Michael Keating, taas oo ah caadada madaxda soomaalida. Waxa ay qofka Soomaaliga ah ay ka diidaan, Gaalada ayeey ka aqbalaan.

La yaab ma laha, oo waxaa la yiri: Doqoni Walaalkeed Kama Baqdo. Waa murti soomaaliyeed.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment