3948 Views

Faah-faahin Qodobadii lagu heshiiyay shirkii doorashada 2016

Faah-faahin Qodobadii lagu heshiiyay shirkii doorashada 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 January, 2016: Xalay waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo af-jaray shirkii wada tashiga doorashooyinka 2016 dalka ka dhaceysa ,laba qodob oo lagu heshiiyay ayaa laga soo saaray shirkii caawa kuwaasi oo kala ah.

1.in la dhiso aqal hoose ee Baarlamaanka iyadoo Xildhibaanada lagu soo xulaayo hanaan qeybsiga 4.5.

2.in la dhiso aqalka sare (SENATE. -ka)oo ka koobnaanayo 54 xubnood kuwaasi oo la ga keenaayo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Aqalka sare ee (SENATE. -ka) waxaa maamul goboleedkasta lagasiiyo 8 xubnood marka lagareebo Puntland iyo Somaliland oo min 3 xubnood dheer dowlad goboleedyada kale.

Wadarta xubnahaas ayaa noqoneysa 54 xubnood oo kakala yimid 6 maamul goboleed oo kala ah.

-Jubbaland
-Puntland
-Somaliland
-Koonfur galbeed
-Galmudug
-Hiiraan iyo shabeelle

Xubnaha baarlamaanka ayaa lagusoo xulayaa nidaamkii hore ee 4. 5.

Aqalka hoose oo ka koobnaan doona 275 xildhibaan ayaa lagu soo xuli doona sida uu hadda yahay ee beelaha afar iyo bar halka aqalka sare uu isna ka koobnaan doono 54 xubnood, oo min 8 xubin ay ku yeelan doono maamullada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, halka Somaliland iyo Puntland-na ay ku yeelan doonaan aqalka sare min 11 xubnood, kuwaas oo wadarta guud ka dhigeysa 54 xubnood.

Sababta ay labada maamul uga badnaan doonaan xubnaha aqalka sare, ayaa lagu sheegay sida ku cad war murtiyeedka in labadaasi maamul oo waqti badan jirey, iyo in ay yihiin kuwa gobollada ugu badan, sida warmurtiyeedka lagu yiri.

Wadatashi ayaa la isugu laabanayaa kadibna kismayo ayaa lagu saxiixayaa heshiiskaas.

Madaxweynaha iyo Jawari kama qaybgelin shirka.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment