3492 Views

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Danjire C/laahi Aw-Saciid Cusmaan

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Danjire C/laahi Aw-Saciid Cusmaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 January, 2016:Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerrida ku timid Allaha u naxariistee Danjire C/laahi Aw-Saciid Cusmaan oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.

“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceyga, magaca guddoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi uga dirayaa Danjire C/laahi Saciid Cusmaan oo horey u ahaa safiirka dowladda Soomaaliya ee QM oo ku geeriyooday dalka Mareykanka waxaan Alle uga baryayaa in naxariistiisa jano uu siiyo, sidoo kalena carruurta, qoyska iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee marxuumka uu ka geeriyoodayna waxaan Alle uga baryayaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo “ ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Danjire C/laahi Saciid Cismaan, wuxuu ka soo noqday dawladii Sooomaaliya 1966 ilaa 1976-dii garyaqaankii qaranka iyo agaasimihii guud ee Wasaaradda Cadaalada, Allaha u naxariistee ka dib wuxuu noqday sanadkii 1976 Ergayga joogtada ah ee Qarmada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Geneva.

Ambassadorka ayaa sidoo kale wuxuu ahaa ergaygii Soomaaliya u fadhiyay xarunta Qaramada Midoobay ee ku u taal magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Marxuumku isaga oo matalaya Soomaaliya wuxuu u tartamay kuna guulaystay ku- xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Afrika sanadkii 1991 -1996kii.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment