4275 Views

Kenya oo lagu eedeeyey gabood-fallo ka dhan ah shacbiga Soomaalida

Kenya oo lagu eedeeyey gabood-fallo ka dhan ah shacbiga Soomaalida
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 January, 2016: Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch  ayaa ku eedeysay dowlada Kenya in ay gashay gafaf iyo xaadgudubyo ka dhan ah bani,aadannimada sanadki tagay ee 2015.

Xad-gudubkaan, ayaa waxaa geystay ciidamada amaanka laamahooda kala duwan waxaana loo geystay dad Soomaali ah, ha noqoto kuwa xeryaha qaxootiga ama kuwa kasoo jeeda gobolka waqooyi bari.

Ribootka Human Rights Watch ee sanadka 2016 oo shalay lagu soo bandhigay magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha ee ay Kenya ku kacday ay isugu jiraan dil, xarig aan kala saar laheyn, jirdil, cabsi gelin iyo caga-juglayn.

Waxaa kale oo lagu eedeeyey xariga hey’ado badan oo madani ah iyo in xorriyada laga qaaday xarumo badan oo warbaahineed oo dalkaasi jiray.

Warbixinta hey’adaan oo xarunteedu tahay magaalada New York ee dalka Mareykanka oo aheyd tii 26-aad kana koobneyd 659 bog, ayaa waxaa loogaga hadlay tacadiyo ka dhacay ilaa iyo 90 wadan oo dunida ka tirsan.

Waxaa si gaar ah ay warbixintu u xustay in Kenya si qasab ah ku kaliftay qaxooti Soomaaliyeed in ay dalkooda dib ugu laabtaan, kufsi loo geystay haween, dad la waayey iyo dilal si ula kac ah loogu geystay dad lagu tuhmay in ay xiriir la leeyihiin argagixiso ayadoo an wax cadeeyn ah loo haynin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment