5946 Views

Beesha Caalamka oo Taageertay Habka Doorashada Soomaaliya ee 2016

Beesha Caalamka oo Taageertay Habka Doorashada Soomaaliya ee 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 29 January, 2016: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku bogaadiyey Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada heshiiski ay shalay ka gaareen habka lagu soo dhisayo baarlamaanka cusub ee dalka uu yeelan doono sanadkaan 2016.

Qof u hadlay Jimciyada Qurumaha ka dhaxeyso oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in UN-ka ay si gaar ah ugu riyaaqeen go,aanka ah in kuraas fiican ay ku yeelan doonaan labada aqal haweenka iyo kooxaha laga tirada badanyahay ee dalka.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa quddbad uu ka hor aqriyey kulan ay maanta oo Khamiis ah magaalada New York ku yeesheen Golaha Amaanka ee QM waxa uu kaga warbixiyey xaalada Soomaaliya, gaar ahaan natiijadi kasoo baxday kulamadi ay madaxda dalka kaga tashanayeen sida laga yeelayo nidaamka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doono sanadkaan 2016.

Wuxuu sheegay in la isku raacay in baarlamaanka oo ah aqalka hoose uu ka koobnaan doono 275 mudane, isla markaana lagu saleyn doono qaacidada uu hadda ku dhisanyahay ee ah 4.5. Waxa kale oo uu intaasi raaciyey in la sameyn doono aqalka sare oo ka koobnaan doono 54 xubnood oo lagu saleyn doono wakiilo ka kala imaan doono maamulada gobollada.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa loo reebay kuraas wax yar ka badan maamulada kale ee federaaliga ah.

“Tani waa mirihi kasoo baxay ku dhawaad lix bilood oo ay socdeen latashiyo adag, waxaa laga yaabaa in ay noqoto barti isbadalka dalka Somalia isla markaana ka dhigta koritaankii siyaasada Dowlada Federaalka.” ayuu yiri Mr. Keating.

Kadib rajadi xooga laheyd ee kasoo bidhaantay Somalia sanadki 2012-ki ayey diblamaasiyiin badan niyesteen in dalka uu gaari doono 2016-ka doorasho hal qof iyo hal cod ah, hase yeeshee horumarkaas waxaa xagal daaciyey weeraro isdaba joog ahaa oo ay Al Shabab ka fuliyeen dalka iyo qalalaaso siyaadeed oo ay bar bar socdeen musuqmaasuq.

Bisha September ee nagu soo aadan ayaa lagu wadaa in ay Somalia ka dhacdo doorashada madaxweynaha, hase waxaa ka horeyn doona doorashada Aqal Sare iyo kan Hoose.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment