6387 Views

Wiil yar oo Soomaali ah oo la hor keenay Maxkamad ku taalla Sweden

Wiil yar oo Soomaali ah oo la hor keenay Maxkamad ku taalla Sweden
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 29 January, 2016: Magalaada Gothernberg ee dalka Sweden ayaa maanta la soo taagay wiil  Soomaali ah oo lagu tuhmay in uu dilay Alexandra Mezher oo ahayd gabar 22 jir ah oo u dhalatay dalka Sweden.

Wiilkan oo magaciisa ku sheegay Yuusuf Khaliif Nuur ayaa su’aalo ay weydiisay maxkamad isagoo tarjubaan Soomali ah la joogay, hase yeeshee lama hayo wax cadeyn ah in wiilkan uu yahay Yuusuf Khaliif Nuur kana yimid dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegayaan in wiilkan uu diiday in uu ka jawaabo su’aalaha la weydiiyay waxayna maxkamadu amartay in dacwadiisa lagu dhageysto qol xiran.

Si kasta ha ahaatee Yuusuf Khaliif Nuur ayaa maxkamadu xukuntay in la sii hayo illaa iyo 11ka bisha Febraayo ee sanadkan lana soo dhamaystiro baaritaanadiisa.

Eedeysanahaan Soomaaliga ah ayaa ku jirey dhismo lagu xanaaneeyo carruurta magangalyo doonka ah oo aan waalidkood la socon, waxana la sheegay in halka uu ku noolaa ay ahayd meel loogu talogalay carruurta aan maskaxdooda caadiga ahayn.

Wiilkan lagu eedeynayo dilka gabadha u dhalatay dalka Sweden ayuu adeegsaday mindi waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada Booliska ay baarayaan taariiqda dhalashadiisa maadaama la sheegay in wiilkan uu leeyahay gar iyo shaarubo.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya ee la xiriirta dacwadan loo haysto wiilkan la sheegay in uu ka soo tahriibay dalka Soomaalliya.

Maxkamadaynta wiilkan ayaa ku soo beegantay xilli ay dowlada Sweden ku dhowaaqday in ay dalkeeda ka saareyso dad tahriibayaal ah oo tiradooda ku dhow dahay boqol kun oo ruux oo meela ka duwan ka yimid.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment