4638 Views

Cabdiwali Sheekh Axmed oo sheegay in an loo dhameeyn go’aannadi madshi Qaran

Cabdiwali Sheekh Axmed oo sheegay in an loo dhameeyn go’aannadi madshi Qaran
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30 January, 2016: Ra’iisul Wasaarihi hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in go,aanadi kasoo baxay shirki wadatashiga qaran ee Muqdisho lagu soo gaba gabeeyey ay ahaayeen kuwo ay ku heshiiyeen dad kooban.

Cabdiwali, oo hadda madax u ah urur ay ku midoobeen axsaab siyaasadeed oo badan laguna magacaabo  Madasha Midnimada, ayaa tilmaamay in aragtida ay ka qaateen go,aanki lagu gaaray in nidaamka 4.5 lagu qeybsado awooda baarlamaanka ay tahay in go,aanadaasi ay ahaayeen kuwo qilaafsan dastuurka kumeel gaarka ah ee u dagsan Soomaaliya.

Wuxuu uu ku dooday in madasha ay marki horeba aheyd mid ay dad gaar ah yeesheen oo aanan laga qeyb gelin xisbiyada siyaasadeed, Puntland, baarlamaanka ama qaar ka mid ah mudanayaasha, siyaasiyiinta iyo ururada bulshada rayidka ah. Tan waxaa wata rag gooni u daaq ah.

“Aragti ayaanu qaadanay kadib marki aan arrintaan darasnay dastuuriyan iyo siyaasiyan waxa uu keeni karo, ayaan soo saarnay aragtideena,” Waa in loo dhanyahay oo waad ogtahay inaan loo dhameyn, waxaa ka maqan Puntland, baarlamaanka qeyb ka mid ah, wuxuu ahaa in kooban arrin ay ku heshiiyeen, muhiimada waxa weeyaan umada Soomaaliyeed heshiis baa u dhaxeeya oo ah dastuurka kumeel gaarka ah, waana sharciga ugu sarreeya dalka, waana la jebiyey hada dastuurkaas” ayuu yiri Md. Cabdiwali.

Mudane Cabdiwali ayaa ahaa Ra’isulwasaarihi labaad ee madax ka noqda xukumada, dowlada federaalka Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ra’isulwasaaraha ayaa xafiiska ka tagay marki ay isku dhaceen madaxweynaha, waxaana uu ku baxay marki baarlamaanka cod ay u qaadeen uu ku wayey kalsoonida mudanayaasha. Sidaas darteed waxaa muuqata in uu weli cara ku maqan-yahay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment