3318 Views

Maxkamad ku taal Manchester oo 30-sano ku xukuntay Dhalinyaro Soomaali oo Kufsi lagu Eedeeyay

Maxkamad ku taal Manchester oo 30-sano ku xukuntay Dhalinyaro Soomaali oo Kufsi lagu Eedeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30 January, 2016: Maxkamad ku taal magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa 30-sano oo xabsi ah ku xukuntay saddex dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo lagu helay dambi ah inay kufsadeen gabar 16-jir Cadaan ah.

Saddexdan dhalinyaro oo la sheegay inay burcad ahaayeen ayaa lagu kala magacaabayay Muhiyadiin Osman, Bilal Ahmed iyo Mowliid Yuusuf, kuwaasoo da’dooda aheyd 20-sano jir,

Dacwad oogaha Maxkamadda ayaa saddexdan ruux ku soo oogay dambi ah in sanadkii 2013 ay ku kufsadeen qeybta musqusha ee Hotelka Victoria Par gabar 16-jir cadaan ah.

Sidoo kale waxaa Maxkamaddu sheegtay in si khasab ah ay gabadha u kufsadeen saddexdan dhalinyaro, waxaana mid ka mid ah dhalinyarada oo lagu magacaabo Mowliid Yuusuf uu ahaa ninkii u horeeyay ee gabadha ku bilaabay ficilka galmada ah.

Saddexdan dhalinyaro ayaa xilligii ay kufsiga geysanayeen da’dooda aheyd 17-jir ah, waxaana gabadha ay kufsadiin xaflad loogu dabaal degayay Ciida.

Ma ahan markii u horeysay ee dhalinyaro Soomaali la soo taago Maxkamadaha ku yaala Britain, sanado ka hor ayay aheyd markii tobaneeyo dhalinyaro Soomaali lagu eedeeyay inay ahaayeen dadka ka ganacsada Haweenka xukuno kala duwan lagu riday.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment