3903 Views

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo Addis Ababa ka furmay

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo Addis Ababa  ka furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30 January, 2016: Shirka horreeynti Shir madaxeedka 26aad ee Madaxda Midowga Afrika ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo ajandayaasha shirka looga hadlayo ay mid yihiin colaada ka taagan dalalka Burundi iyo Koofurta Sudan.

Ugu horreenta ayaa Shirka waxaa ka hadashay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Dr, Dlamini Zuma oo ugu horeyn u tacsiyadeysay Askarta Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika oo sheegtay inay dhinteen, iyagoo waajibaadkooda shaqo ku jira.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in 17 dal oo Afrikaan ah sanadkan ay ka dhici doonto doorasho, isagoo ku booriyey hoggaamiyaasha afrika inay ilaaliyaan dastuurka oo aanay dulduleelaha jiray u adeegsan in ay wadamada ka dhaliyaan rabshado.

Mr Ban ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in madaxda Afrika inay ixtiraamaan mudada dastuurka u ogolyahay in ay xilka hayaan.

Sidoo kale waxaa kulanka khudbad kulul ka jeediyay Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka jirto sinaan la’aan, isagoo ugu baaqay dalalka Afrika inay ka tashadaan sidii ay uga bixi lahaayeen UN-ka.

Mugabe ayaa wareejinayay xilka Guddoomiyenimada Midowga Afrika ee sanadkii hore uu la wareegay, waxaa uu ku cel celiyay in laga shaqeeyo cadaalada iyo sinaanta, isagoo xusay in qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka ay fara gelin ku hayaan dalalka Afrika.

Madaxweynaha Chad Idiris Debi ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkan 2016, waxaana uu xilka kala wareegay Robert Mugabe.

Shirka ayaa socon doona muddo labo cisho ah, waxaana Madaxda ka doodi doonaan suurta galnimada Ciidamo Nabad ilaalin ah oo loo diro dalka Burundi oo qalalaaso ay ka taagan yihiin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment