3630 Views

Shir Madaxeedki Afrika oo maalinti labaad ka socda Adis- Ababa

Shir Madaxeedki Afrika oo maalinti labaad ka socda Adis- Ababa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31 January, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad Midowga Afrika oo maalintii labaad kasocda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Shirka waxaa si rasmi ah u furtey Nkosazana Dlamini Zuma oo ah ,Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, taas oo khudbad ay jeedisay ku sheegtay in qaaradda Afrika ay tahay goob dadyow kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo hadafkoodu yahay inay ku noolaadaan nabad is xaqdhowr iyo horumar. Waxay sidoo kale xustey in si nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo qaaradda ay askar badan oo Afrika u dhashey naftooda u huraan sidii ay colaadaha jira u demin lahaayeen. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon , oo isna kulanka khudbad ka jeediyay ayaa soo dhoweeyay doorka ciidammada AMISOM ee nabad ku dabaalidda Soomaaliya iyo sid a ay waddanka uga taageerayaan sidii doorashooyin dimoqraadi ah oo nabadeed uga dhici lahaayeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zimbabwe, Robert Gabriel Mugabe, ayaa isna xilkii guddoomiyenimada Midowga Afrika ee sannadkan ku wareejiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadd a Chad,Idriss Déby Itno. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isla maanta Shir Madaxeedka Midowga Afrika ka hor, waxaa uu guddoomiyay Shir Madaxeed gaar ah oo ay isugu yimaadeen waddamada xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Deg-degga u hawlgala ee Bariga Afrika, kaas oo looga hadlayey colaadda dalka Burundi. Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxaa uu ugu baaqey shacabka iyo dowladda Burundi inay xal u helaan colaadda dalkooda ka taagan. Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulamo wax tar leh la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee Afrika , Linda Thomas-Greenfield iyo u qeybsanaha arrimaha caalamiga ee Ra;iisul Wasaaraha Japan, Mr Kawai Katsuyuki. Dowladda Japan ayaa kulankaasi ay la yeesheen Madaxweynaha kaga dhawaaqdey kaalmo dhaqaale oo gaareysa 37 milyan oo dollarka Mareykanka ah oo loo adeegsan doonohowlaha aasaasiga, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa kale oo ay Japan dooneysaa inay xiriir dhow oo iskaashi iyo maalgashiba isugu jira la yeelato Soomaaliya si loo xoojiyo dhaqaalaha wadanka.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment