7293 Views

Tarsan oo Kashifay sababta uu Xilka uga qaaday Mweyne Xasan Sheekh

Tarsan oo Kashifay sababta uu Xilka uga qaaday Mweyne Xasan Sheekh
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31 January, 2016: Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir haddana ah Gudoomiyaha Xisbiga Caddaaladda Bulshada ayaa sheegay in Baarlamanka Soo socda ee Soomaliya uu ka soo gali doono qabiilka uu ka dhashay, si buu yiri, aan isbadal wanaag ah ku helno.

Gudoomiye Tarsan, waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arimaha Gudaha ay caqabad ku noqdeen in uu gudbo sharciga axsaabta muddo 8 bilood ahna Xukuumadad Cumar Cabdi rashiid Shar’maake eey diidaneyd in la gudbiyo sharciga axsaabta sidaasina eey dacwadda uga gudbiyeen

Waxa uu intaa ku daray in Xukuumadda Hadda jirtaa ay ku fashilantay in Biyo,Caafimaad ,Ammaan iyo Bahidi Bulshada ay buuxiso, waxa kaliya ee looga fadhiyayna aay intaasi oo kaliya ahayd

“Majiraan wax la yiraahdo xafiis Dowladeed ee waxa halkaan ka jira ayaa ah Xafiisyo qabaa’il waxaana marqaati u ah in wasiir walba eey ku xeen daaban yihiin qabiilkiisa inaku waxa aan diidanahay waa qabiil iyo qurun wax lagu dhoodhoobo ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan”

Tan kale waxa uu ka hadlay Hanka uu u qabo Hogaaminta dalka oo uu sheegay in waxa kaliye ee wax lagu badali karo ay tahay kursi taasna ay dadaal ku bixinayaan Xisbi ahaan oo marka ay xilka qabtaan isbadal iyo Caddaalad ay ku xukumi doonaan dalkan Soomaliya

Isaga oo ku tilmaamay siyaasadda hadda madaxda dalka ay ku maamulayaan, mid dano gaar ah lagu fulinayo , wax dan guud ahna cid ka shaqeeyneeysa aysan jirin

Mar la weeydiisay eedeymaha uu jeedinayo Tarsan in loo jeedi karo oo waxa uu wado aysan dan qaran ahayn, ayuu ku jawaabay in isaga uu taariikh wax qabad uu leeyahay; Goboka Banaadir intii uu ka qabtayna ay marqaati u tahay

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur ayaa mar uu soo hadal qaaday sababihii Xilka Gobolka Banaadir looga qaaday ayuu yiri” Maalintii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa ay ku guuleeysteen xilka, isla maalintaasba, waxa ay igu bilaabeen in ay kalsooni darro igu beeraan oo la’yiraahdo waxaan keen saneeynaa Nin Dam jadiid … ugu dambeena idaacadda ayaan ka maqlay in xilkii la’iga qaday xitaa Ogeeysiis la’ima siin oo la ima dhihin waqtigaas ayaad shaqada ka tageeysaa”

Tarsan, waxaa wax laga weeydiisay hannaanka shaqo ee Xisbigga Caddlaadda Bulshada iyo sida uu xafiiskiisa u shaqeeyo ayuu ku jawaabay in wax xafiis ah uusan hadda Muqdishu uga furneeyn sababtana uu ku tilmaamay in ammaan uusan ka jirin Muqdisho oo aaysan dooneeyn in ay bar tilmaameed noqdaan

Waxaan sidoo kale weeydiinay Xubanah Xisbiga uu hogaamiyo oo aan weydiinay shakhsiyaadka la’yaqaano ee xubnaha ka ah.

Tarsan ayaa Ku jawaabay “Ma waxaad rabtaa in aan magacyo kuu tiriyo ? Ma waxaad rabtaa qof wasiir soo noqday ? ma waxaad rabtaa nin xil sare soo qabtay ? Maya annaga saas marabno ,qof musuq lala xiriiriyay qof galkiisa dambi loo diiwaan galiyay ma’dooneeyno in aan xubin ka dhigno waxaan dooneeynaa qof nadiif ah oo aan ceebeeysneeyn ”

Wareeysiga oo aad u dheeraa ayaan ugu dambeeyn weeydiiyay Xalka waxa uu ku jiro isaga oo ku jawaabay in Dastuurka loo laabto laguna shaqeeyo rabitaanka Shacabka Soomaliyeed.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment