6444 Views

YAA KA MASUUL AH MURUGADA WAALIDIINTA IYO TAHRIIBKA CARUURTA?

____________________________________________________________________________

Somaalidu waxay tiraahadaa ” war helabaa, tala hela”, aqristow waa arin xaqiiq ah oo marwalba ka dhacda dalka Guud ahaan, arimaha uu ka hadlayo qoraalkan.

Warar xaqiiq ah oo aan ka helnay illo muhiim ah iyo shaqsiyaad aan la kulanay, ayaa waxay noo cadeyeen in ay qayb ka yihiin Dambiyada ka dhaca Somaaliya, gaar ahaan Muqdisho, QAAR KA MID AH, XAFIISYADA IIBIYA TIKIDHADA DIYARADAHA IYO QAAR KA MID AH, HOTELADA YAR YAR EE KU YAAL SUUQYADA IYO XAAFADAHA DHEXDOODA iyo Muqalisiin ay ka dhaxayso wada shaqayn ku salaysan dhaqaale.

Arintan waxaa lagu xaqiijiyey Xafiisyada gooya Tikidhada oo aan waydiinin dadka wax AQOONSI ah marka ay ka iib sanayaan Tikidhada, gaar ahaan DHALINYARADA ay da’dooda aad u yartahay, waxaa taas la mid ah Hotelada yar yar ee ku yaal Xafadaha iyo Suuqyada oo aan wax aqoonsi ah waydiin dadka kiraysanaya qolalka Hotelka, gaar ahaan dhalinyarada yar yar.

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in Hoteladaas aysan wax sharci ah ku xujayn Ragga iyo Dumarka wada socda ee yimaada Hoteladooda, taasina waxay sahashay in ay faafto dhaqan xumada loo bahan yahay in laga hortago.

Waxaa kale oo jira shaqsiyaad Muqalisiin ah oo TAHRIIBIYA wiilasha iyo Gabdhaha yar yar, waxayna ku dhoofiyaan Magacyo BEEN ah si aysan ugaran Eheladooda marka ay raadinayaan, waxayna sidoo kale ku SEEXIYAAN Hotelada yar yar ee ku yaal Xafadaha magacyo BEEN ah, iyadoo mararka qaar loo sheego Milkilayaasha Hotelada in dhalinyardaas ay ka DHUUMANAYAAN waalidkood, iyagoo aan wax XIL ah is saarin arintaas, ogna in arintaas ay tahay dambi ay u barereen.

Hadaba Milkiilayaasha Hoteladaas iyo Milkiilayasha Xafiisyada iibiya tikidhada, waxay qayb ka yihiin Dambiyada ka dhaca magaala kasta, waxayna Cadeysteen in aysan ka saarnayn wax MASUULIYADA Nabadgelyada Umada iyo Ilaalinta ANSHAXA suuban, waxaa intaas sii dheer iyagoo u soo jiida WAL WAL iyo WALAAC waalidiinta ay ilmohooda Tahriibiyan, iyagoo aan RAALI ka ahayn, waxayna Xafisyada, Hotelada iyo Muqalasiinta fiir sadaan Qarashka ay ka qaadanayaan dhalinyaradaas oo inta badan aan ogayn Qatarta ay u horseedayaan Naftooda.

Aniga qoray maqaalkan, waxaan la kulmay qiso run ah oo la xiriirto Tahriibka, maalin ayaan imid meel timaha lagu jaro, waxaan sugayey nin timaha ii jaro, waxaa yimid nin da’diisu aan ku qiyaasay ilaa 40 jir, wuxuu salamay wiil dhalinyaro ah oo waqtigaas tiamaha loo jarayey, waxaana dhexmartay sheekadan, Ninkii ayaa yiri “ka waran Safarkii?, isagoo waydinaya wiilkii, wiilkii wuxuu yiri waxaan ku jiraa diyaar garow, Ninkii ayaa yiri, Magaday alaabtii aad igu tiri waan ibinayaa?, wiilkii ayaa yiri Lacag fiican waa la ii gaari wayey” Ninkii ayaa yiri, waxaas waa howlahayga ee aniga ayaa kula iibinay ee goormaan balanaa berito?, ninkii tima jaraha ahaa ayaa baryaqiinay ninka aan falayo in uu yahay Muqalas, markaasuu ku yiri, Ninyhow ilmahan maad ka daysid Tahriibta oo haka INKAARSAN dadkii dhalay, ninkii baa yiri Calool jileecaas mar hore ayaan iska dayey ee aan kaa shaqaysanee afaarahayga ka bax” ninkii wuxuu la balamay wiilkii wuuna baxay, ninkii tima Jaraha ahaa ayaa waydiyey wiilkii waxa uu gadayo, wuxuuna u sheegay in uu gadayo kumbuyuter LAPTOP ah uu leeyahay, Gabar walaashiis ahna waxaan ka sugayaa lacag ayuu yiri wiilkii”, ninkii tima jaraha ahaa ayaa isku dayey in uu waaniyo wiilkii, laakiin sida aan ka arkay waana uma daloolin dhagahiisa.

Ugu dambeyntii dadkaas danaysta yaasha ah in ay qayb ka noqdaan dambiyada ama ay dhumiyaan Caruurta iyagoo fiirsanaya dantooda, waxaa u sahlay laamaha Amaanka ee Ciidamada oo aan wax dabagal ah ku samayn mana u diiwaan gashana Xarumahaas iyo Xafiisyadaas inta badan Dowladaha HOOSE ee magaalooyinka  oo dhan ee dalka, taasina waxay sahashay in qofkasta uu u dhaqmo siduu rabo ama ay ku jirto dantiisa.

War iyo dhamaan waxaan leeyahay dadka noocaas ah haka waan toobaan, dhibaatooyinka ay u horseedayaan umada, si loo helo dhalinyaro wax u barata dalkooda, noqotana Hogaamiya yaasha Mustaqbalka ee berito si loo soo celiyo Sharaftii iyo Midnimadii umada.

Qaranimo-online

Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment