4107 Views

MUQDISHO OO DABAYL IYO BUS KU SOO TOOSTAY.

____________________________________________________________________________

Magaalada muqdisho oo saakay ku waa bariisatay DABAYL iyo BUS aan caadi ahayn, taasi oo dhalisay in ay wadooyinka iyo jidadka xaafadaha soo buux samaan Bac iyo baakado ay dabaysha ka keentay meelo fog fog.

Shacabka lugaynaya ama sugaya Gaadiidka dadwaynaha ayaa aad ugu dhib qaba dabaysha iyo buska, waayo waxaa dhacaya DHAXAN iyo BUS aan horay loo arag, taasina waxay dhalisay in dadka qaar ay awoodi waayaan in ay siiwataan howlahooda ay ku maaraynayaan nolol maalmeelkooda.

Magaalada waxaa qariyey Bus iyo Bac dul heehaabaya dusha sare ee magaalada, arintan oo ay dadka qaar leeyihiin waa arin ka duwan, dabaylihii dhici jiray, waana arin gelisay shaki iyo cabsi shacabka qaar, iyagoo leh tolow ma CIMILADAA is bedeshay oo DUUFAANTII la sheegayey miyaa soo socota.

Dadka qaar waxay leeyihiin “markii la arko MUCJIZADAN oo kale waa la Ducaysan jiray ee Alla hala baryo, si looga badbaado wixii dhib ah ee nagu soo socda”, xaaladu waa caadi majiraan wax dhib ah oo hakad geliyey Nolosha shacabka, laakiin dadka inta badan waxay ka muujiyeen walaac mudan in dadka laga wacyi geliyo waxa keeni kara dabayshan badan oo ah mid wadata DHAXAN.

Qaranimo-online

Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment