6843 Views

War murtiyeedka laga soo saaray shirkii Adis Ababa iyo arin farxad u ah Soomaaliya

War murtiyeedka laga soo saaray shirkii Adis Ababa iyo arin farxad u ah Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 01 February, 2016: Shir laba maalin socday oo golaha wasiirada arimaha dibada dalalka xubnaha ka ah IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa, ayaa looga hadlay arimaha Somalia iyo Koonfurta Sudan.

Gunaanadki shirkaan ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob kuwaas oo khuseeya labada dal.Hoose ayan ku soo koobnay qodobada war murtiyeedka gaar ahaan inta khuseeya Somalia.

1) Goluhu wuxuu soo dhaweeyay ka go’anaanshaha DFS in doorashooyinku ku dhacaan xiligii loo qabtay

2) Goluhu wuxuu taageer sanyahay go’aankii DFS ka soo saartay nooca doorasho ee lagu saleynayo doorashada Somaliya daba yaaqada sanadkan iyadoo IGAD iyo Beesha caalamka laga codsaday in laga hortago qaswadayaasha caqabada ku ah horusocodka dhanka Siyaasada iy amniga Somalia

3) Goluhu wuxuu go’aan ku gaaray in gudi ka kooban golaha wasiirada IGAD ka caawiyaan DFS wada hadalada ay la geli doonto maamul goboleedyada si loo dhaqan geliyo go’aanka kasoo baxay DFS.

4) Goluhu wuxuu DFS ugu baaqay inay dedajiso dhismaha maamul goboleedka Shabeelada dhexe iyo Hiiraan iyo wadahadalada usocda Galmudug iyo Ahlu sunna

5) Goluhu wuxuu bogaadiyay balan qaadka ,dedaalka joogtada ah iyo dhiiranaanta AMISOM iyo SNA iyadoo goluhu cambaareeyay weerarkii Ceelcade.

6) Wuxuu soo dhaweeyay balan qaadka Jabuuti ee ah inay martigelinayso kulanka dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia ee Bisha February ka dhici doona Jabuuti kaas oo dib u eegi doona hawlgalka AMISOM.

7) Wuxuu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee xafiiska IGAD ee Somalia ka qaadanayo arimaha amniga ,dib uheshiisiinta iyo dhaqan gelinta higsiga DFS ee  2016

8) Goluhu wuxuu soo jeediyay in kulan madaxeedka xiga ee dalalka IGAD lagu qabto Muqdisho.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment