5898 Views

DADKA DANYARTA AH OO LAGU DHIBO BIYAHA AY SOO SARAAN WARSHADAHA.

DADKA DANYARTA AH OO LAGU DHIBO BIYAHA AY SOO SARAAN WARSHADAHA.
____________________________________________________________________________

Aqristow, Somaalidu waxay tiraahdaa “war helaaba Talla hella”, danyar yaa u maqan?   

Warshadaha soo saara BIYAHA lacabo oo aanan ogayn qaabka loola dhaqmo macaa miishooda, taasina waxay ku dhumiyaan maalin kasta  Ganacsi iyo kastamaro muhiim u ah wax soo saarkooda, inkastoo ay dad xog ogaal ah leeyihiin Maamulada Qaar waa ogyihiin dhibka jira!!

Aqristow waxaa Caada noqotay meelkasta in uu galay Musuq maasuqa ama waxa loo yaqaan Daacad daro joogta ah, taasina waxaa sabab u ah Milkiilayaasha Ganacsiyada waa wayn oo aanan ku samayn dabagal laxiriira Hamsami u socodka wax soo saarkooda Ganacsi, si ay u ogaadaan Horumarka iyo Dhaliilaha wax soo saarkooda.

Hadaan u soo daadago muhiimada Maqaalkan, waxaan dabagal ku samaynay Cabashooyin soo gaaray Website-kan Qaranimo, Caba shooyinkaas oo la xiriira Qaabka loola dhaqmo MACAAMIISHA wax ka iibsada Warshadaha kala duwan ee soo saara Biyaha lacabo.

Caba shooyinkaas ayaa waxay yihiin in aan laga ii BIN BIYAHA shacabka rabo in loogu GEEYO GURYAHOODA, waxayna dhib badan iyo Baryootan u maraan in loo sahlo macaamilka looguna keeno biyaha gurigooda, taasina waxay noqotay mid aanan suuro gelin in kastamaradaasi ay helaan Tixgelintii iyo Munaantii ay la haayeen.

Waxaan soo OGAANAY in uu XIRIIR GANACSI ka dhexeeyo SHAQAALAHA warshadaha ee biyaha geeyo Xafadaha iyo Ganacsatada dukaamanka Yar yar ku leh Xafadaha iyo Suuqyada, waxayna Ganacsatada kula HESHIIYEEN shaqaalaha in aysan KA GEDIN Biyaha Shacabka deriska la ah dukaamadooda, taasi oo macnaheedu yahay in Dukaanlayda ay helaan Kastamar ka gato Biyaha, marka si kastamar ay u helaan iyo Fa’ido  waa in Shacabka la CADAADIYO, iyadoo qaarkood sabab looga dhigo makaa iibin karno 2 CAAG ama 3 CAAG, waayo waa TIRO yar, Qofka danyarta ah waa in uu gataa wixii uu AWOODO,  arintan waxay qasabtay shacabka in ay biyaha ka soo GATAAN dukaamada u dhow gurigooda.

Waxaa kale oo aan soo ogaanay in uu ka dhaxeeyo XIRIIR ganacsi Shaqaalaha iyo Dukaan layda, waxaana OGAANAY in uu ka dhexeeyo GANACSI ah FA’IDO wadaag ama in Shaqalaha isla marka ay geeyaan biyaha uu SIIYO Dukaan kasta ilaa $1 dollar oo laga yaabo maalintaas in ay isku CEL CELIS shaqaalahaas ay helaan Lacag ku filan Maalintaas noloshooda.

Ugu dambayn waxaan soo ogaanay in aysan Ogayn arintan Milkiilayaasha Warshadaha soo saara Biyaha oo ay ku kooban tahay arintan meel hoose, taasina waxay ku tusinaysaa in aysan jirin Laxisaabtan dhab ah ee laxiriira wax soo saarka warshadahooda, waxaa kale oo aysan isticmaalin Ganacsatadaas warqadaha BOONADA ama RASIIDKA “Receipt” lasiiyo qofka marka uu iibsado Biyaha, hadii uu yahay Dukaan ama Shacab si Maamulka u ogaado Qiimaha laga siiyey ama Magaca qofka macaamiisha ah ee wax gatay.

Shaqsiyaad aan ku kal soonahay kana mid ah Macaamiisha Warshadaha qaar, ayaa noo sheegay “in ay waceen Warshadaha qaarkood, waxayna u gudbiyeen CABASHO ah qaabka loola dhaqmo, ayna rabaan in wax laga qabto CABASHADOODA”, laakiin Cabashadii waxay dhalisay in mar dambe aanan laga gedin biyo, sababtoo ah MAXAAD U DACWOOTEEN, taasina waxay noqotay “laba daran mid dooro”.

Hadaba waxaan arki jiray in lagu TARTAMO sida ugu wanaagsan ee loo KASBADO kastamar kaa iibsado waxa aad soo saarto (your product), laakiin waxaanan weli ARAG in qof kastamar kuu ah lagu CANAANTO ama lagu GANAAXO” in aan waxba looga iibin waad i dacwaysay darted, waxaan maqli jiray “Nin aduunya joogow, maxaa aragti kuu laaban”, walee waa aduun Gadaal loo raray, taasi oo macnaheedu yahay in aysan gacanta ku hayn Ganasiga Dalka, Ganacsatadii aqoonta u lahayd hab Maamuuska iyo Mudnaanta uu leeyahay Ganacsiga iyo sida loo kasbado Macaamiil iyo wax soo saar XALAAL ah.

Hadaba si loo xaqiiyo arintan shacabka ama masuuliyiinta waxaan u shegaynaa in ay sameeyaan tijaabo ay ku dalbanayaan biyo, qodobka kale ee ay shacabka ka cabanayaan ayaa wuxuu yahay in aysan waxba kaqaban maamulada warshadaha Cabashadooda marka ay soo gaarsiiyaan.

 

War iyo Dhamaan waxaan sugaynaa Maalmaha ama Bilaha soo socda wixii is bedel ah ee ka soo baxa, Milkiilayaasha leh Warshadaha Biyaha soo saara ee ku sugan Muqdisho.

 

 

.

Qaranimo-Online | Muqdisho

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment