5493 Views

Dayarada Daallo oo Dab Qabsaday deg degna ugu dagtay Garoonka Muqdisho

Dayarada Daallo oo Dab Qabsaday deg degna ugu dagtay Garoonka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 02 February, 2016: Goor dhaweed ayaa Diyaaradda Daallo Airlines deg deg ugu soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii uu dab qabsaday, xilli ay hawada ku jirtay, waxaana warar kala duwan ka soo baxayaan waxa sababay cilada, in kastoo an weli war buuxa laga haynin.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada oo muddo nusa saac ah hawada ku jirtay, isla markaana uu dab qabsaday.

Qaar ka mid ah rakaabka diyaarada ayaa sheegay inay maqleen wax qarax u eg, isla markaana diyaarada ay dhinac ka duleelisay

Duuliyihii diyaarada ayaa go’aansaday in uu si degdeg ah dib ugu soo laabto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxana ay diyaaradan soo degtey iyadoo dab ka kacayo mid kamid ah matooradeeda oo dhulka loo jeedo qiiqa.

Wararka waxa ay sheegayaan in rakaabkii iyo shaqaalihi saarnaa diyaarada ay ka badbaadeen marka laga reebo labo ruux oo dhaawac fudud soo gaaray.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 74 rakaab ah, waxaana ay ku sii jeeday dalka Jabuuti, 70 ka mid ah rakaabka saarna diyaarada ay ahaayeen rakaabkii Diyaaradda Turkish Airlines oo labadii maalmood u baaqaneysay cimilada oo xumeyd iyo dabeylo, sida laga soo xigtay saraakiisha shirkadaas.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in la helay meydka qof ka soo dhacay diyaarad agagaarka deegaan ku dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka deegaanka Dhiiqaaley oo ku dhow Balcad ayaa arkay meydka qof samada ka soo dhacay, kaasoo illaa iyo hada kala cadeyn inuu ahaa rakaabkii diyaarada iyo in kale.

Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa la sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan waxa sababay dabka iyo wararka sheegaya in walax qarax u eg laga maqlay diyaarada iyo dhinac ka mid ah diyaarada duulisteeda u banadanaayay.

Sawiro laga soo qaaday diyaarada ayaa muujiyay dalool weyn oo ka muuqday dariishadaha diyaarada, waxaana la ogeyn in waxa sababay inay gudaha yihiin iyo in banaanka wax uga soo dhaceen.

diyada

dalolka

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment