3504 Views

Dowladda Soomaaliya oo joojineyso duulimadyadii Muqdisho iyo Hargeysa

Dowladda Soomaaliya oo joojineyso duulimadyadii Muqdisho iyo Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 02 February, 2016: Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagucadeeyay in si KMG ah, loo joojinayo duulimaayadii diyaaradaha ee Muqdisho iyo Hargeysa iskaga duuli jiray.

Taliyaha Laanta Socdaalka Jen, C/llaahi Gaafow Maxamud, oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ku eedeeyay Maamulka Somaliland in dadka ku khasbayaan inay goostaan waraaqo dal ku gal ah (Go Home), isla markaana lacago badan looga qaado, taas oo ah cadaadis loo geeysanayo shacbiga.

Waxaa uu amar ku siiyay Shirkadaha duulimaadyada in muddo 21 cisho ku joojiyaan duulimaadyada, taasoo ka bilaabameysa 22-ka bishan Febraayo.

“Hadii duulimaadyadii gudaha dadka lagu qasbayo inay goostaan Go Home, lacago badan laga qaadayo, uma dulqaadan doono, waxaa shirkadaha ku amarnay inay duulimaadyadii Hargeysa iyo Muqdisho joojiyaan, inta laga xalinayo caqabadahaas”ayuu yiri Jen. Gaafow.

Somaliland ayaa dadka ka soo jeeda Gobolada Koofurta Soomaaliya ku amartay inay qaataan Fiiso ama ogolaansho si ay ugu noolaadaan Waqooyiga Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee amarkan ka soo baxay Waaxda Socdaalka, ayaa waxaa uu saameyn ku yeelanayaa isu socodkii labada dhinac, iyadoo maalin walba magaalada Muqdisho ka baxaan illaa saddex duulimaad oo ku sii jeeda Hargeysa, balse ma noqon doonto arrin joogta ee waa inta xal laga gaarayo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment