4920 Views

Kenya oo soo iibsatay gawaari an rasaasta karin

Kenya oo soo iibsatay gawaari an rasaasta karin
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 02 February, 2016: Warar naga soo Nairobi ayaa sheegaya in Dowladda Kenya ay soo iibsatay gawaari gaashaaman oo ay ciidamadooda ku howl geli doonaan , si ay u sugaan ammaanka gudaha dalkeeda iyo xuduuda, iyadoo munaasabad lagu soo bandhigayay gawaaridaas uu ka qeyb galay Madaxweyne Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa lagu soo sawiray, isagoo saarnaa mid ka mid ah gawaarida gaashaaman ee ay dowladdiisa soo iibsatay si uu dadka reer Kenya uu uga farxiyo.

Uhuru Kenyatta ayaa ku tilmaamay gawaaridan inay tahay mid qeyb ka ah cusboonaysiis lagu sameynayo Qalabka Ciidamada Kenya, isla markaana ay isticmaali doonaan Ciidamada Booliska oo sida badan ku ilaalin-doono magaalada caasimada ah ee Nairobi.

“Inaan soo iibsano gaadiidkan waa mid muhiim ah oo waji cusub u yeelaysa ciidamadeena wayna sii socon doontaa illaa inta xuduudadaha Kenya ay ammaan ka noqonayaan”ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa dagaal kula jirta Al-Shabaab, iyadoo 15-kii bishii hore askarteeda lagu laayay weerar lagu qaaday saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde, taaso ku qasabtay ciidamada Kenya in ay iskaga baxaan meel badan oo ay horay u joogeen.

gadid-1 gadid-2

gadid-3

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment