6270 Views

MAXAA ISKA BEDELAY MUQDISHO?

MAXAA ISKA BEDELAY MUQDISHO?
____________________________________________________________________________

SHACABKA KU NOOL MUQDISHO OO SI XOWLI AH U KOR DHAAYO IYO BILICDA MAGAALADA.  

Muqdisho | QOL | February 3, 2016 – Aqristow dad badan ayaa markii ay maqlaan Muqdisho waxay soo Xasuusanayaan, wixii ka dhacay Muqdisho iyo wixii ay soo mareen shacabkii ku noolaa xiliyadii ay ka jireen Dagaaladii Ahliga ahaa, waxaana in mudo ah Mugdi ku jiray Maqaamkii iyo Mansabkii Muqdisho.

Somaalidu waxay tiraahdaa “Habaar oo dhan waa dhimo, Ducoo dhana waa Dhurow”, hadaba Muqdisho waxaa u baryey waa cusub, waxayna ka sii baxaysaa xiligii ay ahayd Mugdiga, sida magaalooyin badan oo iyada ka hor ay ka dheceen Dagaalo ahli ah, maantana ka mid ah Magaaloyinka ugu Amaanka iyo Bilicda fiican Aduunka.

muqdisho-3Waxaa maalin kasta si xowli ah u kordhaayo Shacabka ku nool MUQDISHO oo intooda badan ka imaanaya Gobolada dalka iyo Dibadiisa, taasina waxaa daliil u ah sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah shacabka, waxayna yiraahdeen “waxaa aad u adag in si dhaqso ah loo helo Guri ijaar ah,  markii aad u baahato, gaar ahaan xafadaha u dhow bartamaha magaalada, waxaa kale oo Zaxmad  laga dareemayaa Goobaha laga raaco Gaadiidka dadwaynaha, marka la aadayo Shaqooyinka, Iskuulada iyo Xarumaha Caafimaadka iyo Adeeyada daruuriga ah, sidoo kale Xiliyada laga soo boxo shaqooyinka, Iskuulada iyo Ganacsiga waxaa adag helida muqdisho-1gaadiidka u kala goosha dacalada Muqdisho, taasina waxay sababtay in dadka  ka soo baxaan shaqooyinkooda waqti hore.

Habeenkii waxaad arkaysaa Shacabka oo RAXAN RAXAN u fadhiya Goobaha lagu NASTO, gaar ahaan maqaayadaha ku yaal Jidadka waaweyn, waxaa intaas u sii dheer iyadoo ay soo badanayaan Goobaha lagu sameeyo RASHINKA ay dadka aad u XIISEEYAAN ee loo yaqaan (Fast food), raashinkaas oo u badan Hilibka noocyadiisa kala duwan oo laguugu samaynayo ROOTI ama JABAATI loo muqdisho-2sameeyey si Casri ah, waxaa intaas sii dheer Goobo lagu sameeyo DIGAAG iyo BATAATI “Chiken iyo Fries” casriyeysan.

Waxaa kale oo si xowli ah u kordhayo BILICDA magaalada iyo NADAAFADA, waxaadna arkaysaa meelkasta oo ka mid ah magaalada waxaa ka socda dhismayaal CASRI ah iyo dayactir ay guryahooda ku samaynayaan shacabka, waxaa si aan kala go’lahayn Habeen iyo Maalin u wadaa Nadaafada Dowlada Hoose ee Gobolka BANAADIR, iyagoo fulinaya hal kudhigii  ahaa ku dhis dalkaaga, kuna Nadiifi ISKAA WAX U QABO.

muqdisho-5Hadii Alla idmo 5-ta sano ee soo socoto Muqdisho waxaa laga arki doonaa isbedel aan Caadi ahayn, waxaana arintaas sii xoojin doono markii ay si xowli ah u soo noqdaan QURBA JOOGTA Somaaliyeed ee in mudo ah ka maqnay XAMAR iyo Xamar DAYE.

Somaalidu waxay tiraahdaa “dhul aadan lahayn waa DAREEN ku jog” ee wadanka dib haloogu soo noqdo, si loo xoojiyo Nabada iyo Horumarka nololeed ee loo baahan yahay Mustaqbalka dhow iyo Mustaqbalka dheer, midna aan ogaano dal waxaa dhisa dadkiisa, waxaana hubaal ah isbedelka ka socda Muqdisho in uu wax wayn ka bedeli doono guud ahaan Dalka oo dhan, hadii Alla idmo.

muqdisho-7

muqdisho-8

Qaranimo-online

Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment