2829 Views

4.5 iyo Degaan-qaybsiga yaa gardaran ?

4.5  iyo Degaan-qaybsiga  yaa gardaran ?

Teydu waa sharci, taaduna waa sharci daro !

Toronto | QOL | Feb 2, 2016 | Waxaa dhegaheena ka batay muran ka taagan habka doorashada 2016 lagu wado inay u dhacdo, waxaa lagu murmay lagu kala carooday laguna kala fogaaday habka la isu waafajin karo doorasho wadankan ka dhacda. Waxaa loo kala baxay laba kooxood qolo aaminsan in doorashadu ku dhacdo qaabkii lagu soo waday ilaa sanadkii 2000 shirkii Carta ee 4.5-ka iyo qolo ku doodeeysa in habkaas uu ahaa buundo lagu soo gudbayay caqabadihii taagnaa ee ahaa in maamul Soomaali u dhan tahay marka hore dhidibada loo taago, waxay kaloo yiraahdeen mar hadii laga gudbay ku meelgaarkii hal xillina uu maamulka wadanka ku soo shaqeeyay hab aan ku meel gaar ahayn ay markan tahay in laga gudbo qaybsi-qabiilka loona gudbo hab kale, kaasoo ay sheegeen kooxdaasi inuu yahay habka ku saleeysan degaanka, hadaba qolo waliba maxay doodeeda ka dhigatay:

shir-gaara-wadatashiga-7

  1.  Qolada 4.5-ka aaminsan waxay ka kooban yihiin ama u badan yihiin Soomaalida inteeda kale marka laga reebo beelaha dega Puntland dhulalka ay ka arimiso, waxayna ku doodaan in qaab dhismeedka gobollada Soomaaliya u dhisan yihiin uu yahay hab sadbursi ku saleeysan kana yimid maamulkii Kacaanka, iyadoo uu maamulkaasi degaamo ama gobollo ku saleeysan hab beeleed ku sameeyay qariidad aan cadaalad ku dhisnayn bishii August 1979 oo wadanka Soomaaliya ka hor ahaa 8 Gobol ka dhigay 16 Gobol, mar labaadna 1989 ku daray 2 gobol oo cusub kana dhigay 18 gobol, isagoo dhulal aan dad badani deganeeyn gobollo iyo degmooyin ku magacaabay , gobollana la qaybiyay, tuulooyina degmooyin loo magacaabay halka gobollo iyo tuulooyin kuwaas lakala jaray ama degmooyin loo magacaabay la baaxad ah ama laga yaabo ka dad badanaa sidoodii loo daayay, sida ay ku doodayaan kooxdani.
  2.  Qolada aaminsan hab degaameedka, waxay cuskanayaan in habkan 4.5-ka uu yahay hab lagu kala qaybinayo Soomaalida iyadoo qolo lagu tilmaamayo inay “Dhan” yihiin qolana ay “Bar ama Nus” yihiin, waxay kaloo ku difaacayaan habkooda inuu yahay mid cadaalad ku dhisan qof walibana uu xaq u helaayo inuu halka uu degan yahay xaqiisa ka heli doono, waxaa kaloo ay doodahooda u cuskanayaan Dastuurka iyo in hore looga socdo habkan 15 sanno lagu soo dhaqmayay, iyagoo ku tilmaamaya in habkan ay uga maqan yihiin xuquuq badan.

shir-gaara-wadatashiga-2

Nidaamka 4.5-ka waa hab Soomaalidu taqaano, qabiil walba oo Soomaali ahna uu qayb ku yeesho masraxa Siyaasada Soomaalida haba lagu kala badnaadee, iyadoo lagu cabiro tirada beelaha Soomaalida Halbeeg soo jireen ah oo aan ku saleeysnayn tiro sax ah oo la ogyahay laakiin lagu sheeko xariir cabiro.
Laakiin waxa uu muranku ka taagan yahay qolada aaminsan qaabka degaanka ku saleeysan, kuna dooda inay danta ummadda Soomaaliyeed ku jirto nidaamkaas.

Hadaba hadaan soo qaato hormuudka qolada degaanka ku dooda ee Puntland, waa maamul goboleed waqti dheer dhisnaa, kana nidaamsan maamul goboleedyada kale ee maanta dhisan isagoo ku kasbaday dhowr qodob oo aan ka soo qaadan karno:

  • In dhulka uu ka arimiyo ay degaan bulsho kuwada abtirsata hal beel oo ka tirsan 4.5-ka Soomaalidu wax ku qaybsatay.
  • Iyagoo degaan ahaan u degan gobollo buuxin kara shuruudaha Federaalka ee dastuurku qorayo.
  • Degaamadaas oo aysan dagaalladii maamulkii Siyaad Barre lagula dagaalamay iyo dagaalladii Sokeeye aanan ku jirin, islamarkaana ah dhulalka aysan webiyadu marin, ahaana dhulalka ay u qaxayeen dadka dhulalka qaniga ah ee lagu dagaalamayay iyo Xamar ka bara kacay.

Maamulkaas Puntland oo uu dhidibada u taagay (AUN) Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuu ahaa maamulkii ay ka timid fikraddan Federaalka ee Soomaalidu ku wareersan tahay, iyagoo ulajeedadoodu ahayd in Soomaali ku kala badbaadi doonto hadii qabiil waliba uu dhulka uu dego Maamul ka dhigto, laakiin xilliga nidaamkaa la abuurayay ma jirin dhul Soomaaliyeed oo nabad ama maamul ka jiro marka laga reebo maamulka Puntland, laakiin si laab lakac ah ayaa loogu magacaabay nidaamka Soomaaliya magaca uu maanta leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa xigay Dowladii uu madaxa ka noqday Sheekh Shariif, waxay tacaal la gashay la dagaalanka kooxihii uu Sheekhu ka tirsanaa oo u kala baxay, Al-shabaab, Xisbul Islaam ama Haraadigii Maxkamahadaha, iyadoo dhanka kale ee Puntland ay weli dabada ka riixayeen in habkan Federaalka ah la hirgeliyo dastuurkana lagu daro qaabka federaalka Soomaaliya noqon doono, hase yeeshee xilliga ay howshaasu socotay Maamulkii Sheekh Shariif Xamar 3dex meeloo meel ka yar ayuu ka ariminayay iska daa wadanka ay nidaamka u dejinayeen warkiisee.

Waxaa la isla gartay in Puntland oo ahay degaanka keliya ee ay markaasi nabad ka jirtay in lagu saxiixo heshiis la magic baxay GAROWE 1&2, iyadoo ay wada saxiixdeen:

  1. Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka Soomaaliya (DFKG)
  2. Puntland
  3. Galmudug (Gaalkacyo barkeed)
  4. Ahlu-Sunna wal jamaaca ( Ma ahan tan maanta ka jirta gobollada dhexe)

hafro

Hadii aad dib u eegtid afartaan kooxood ee heshiiskaa saxiixay waxaa is weeydiin leh:
a) Iimisaa maanta ka jirta kooxahaas ?.
b) Imisaa degaano ay heshiis ku geli kartay ka jiray ?

Waxaa cad inay Puntland keliya ka jirto maanta, inta kale waxay ahaayeen kuwo magac ahaan u jiray, waxaa cad in Galmudug oo ahayd maamul jufo hoose keliya ay leeyihiin kana jiray Gaalkacyo barkeed ay heshiis geli kartay, waxaa kaloo cad in Dowlad Soomaaliyeed oo dhulkeeda 99.8% aan gacan ku haynin ay heshiis geli kartay.

Hadaba Dastuurka habkaa u jira Soomaalida ka baxsan intaa aan kor ku soo sheegay macno ma u sameeyn karaa ?

Puntland oo ahayd halka laga soo minguuriyay nidaamkaan goboleedyada waxaa la gudboonaa inay dhabarka u xirtaan taabagelinta maamul goboleedyada , sida xalka ay ugu arkeen in Garowe 1&2 iyo kooxaas fara ku tiriska ah ay heshiiskaa uga saxiixdeena inay isku dayaan inay taageeraan dhismaha inta kale si ay u gaaraan hadafkooda ahaa nidaamka federaalka, hase yeeshee maxaa dhacay.

Waxaa wadanku yeeshay dowladii ugu horeeysay ee aan ku meelgaar ahayn, waxaa biloowday fikir ah in la dhiso maamullada wadanka, waxaana ka biloowday olole dhanka Galmudug oo Puntland deris la ah, waxaa durbadiiba isqaqabsi ka yimid maamulku ma waafaqsan yahay Garowe 1&2, waxaa la isku qabsaday Gobolkii Mudug in laba loo kala jaro, iyadoo uusan dastuurka Garowe 1&2 uusan qorayn in gobollada lakala gooyo qabiilna la isu raaco.

Puntland oo ahayd halka uu markii horeba ka yimid Nidaam Goboleedyada waxay noqotay inay iyadu hor istaagto in federal la hirgeliyo, ugu danbeeyntii iyadoon dheg jalaq loo siin waxaa dhismay maamulkii Galmudug oo ka koobnaa Mudug barked iyo Galguduud.

Puntland waxay dafirtay muran xoogana ka keentay jiritaanka maamulka Galmudug oo ka wayn kii Ex-Galmudug isla markaana ay hor fadhiisato diiday, hase yeeshee waxay ogolaatay Maamulka Guriceel ee Ahlu-Sunna, iyagoo ogaa in Ex-Galmudug oo Gaalkacyo barked ahaa ay u aqoonsanaayeen dowlad goboleed Garowe1&2-na wax ka saxiixay.

Ninbaa waxaa la yiri wuxuu ka dhex shaqeeysan jiray laba cid oo dagaal ka dhexeeyo, wuxuu sameyn jiray inuu qolo wax ka soo xado uu ka iibin jiray qolada kale mar hadii aysan cid ka daba imaan kartaahi jirin, kedib muddo markuu sidaa u noolaa ayaa waxaa la yiri waxaa heshiis dhexmaray labadii qolo, markaasuu wuxuu yiri “ Ceyri Waa Cagteed Ku Noole, Rabiyoow Colaad Noogu Naadi”

Waxay sidaa udaba taagnaataba waxaa la soo gaaray inay cadaatay in dastuur waqti hore wadan aan nabad ahayn, dadka Soomaaliyeedna aysan ka warqabin sharci lagu doodaa noqon Karin, waxaana qasab noqotay in Soomaalidu qolaba qolada ay masuulka ka dhigato matasho lagana wada hadlo aayaha iyo mustaqbalka Soomaaliya laga bilaabo 2016, iyadoo ay is hor fadhiisteen inta maamul ee maanta jirta.

Puntland waxay ku adkeeysatay in degaan wax lagu qaybsado, halka 3dexda maamul goboleed ee kale ee jirana ay iyaguna mid walba fikirkiisa dhiibtay, kedib markii ay Soomaali heshiin waayeena la go’aansaday go’aankii dowladii ay iyagu doorteen 2012, taasoo go’aamisay in Soomaaliya degaan aysan diyaar u ahayn inay wax ku qaybsadaan laguna dooran doono doorashada soo socota habkii hore loo yaqaanay ee 4.5, inta dadka Soomaaliyeed laga tirinayo loogana gudbayo qof iyo cod.

Waxaan garnaqeeyga ku soo gabagabeeynayaa Dastuurkan wadanka u degsan oo qaybo badan oo mugdi lagu saxiixay, qaybo badan oo dano qaas ah loo sameeyay iyo isagoo qabyo qoraal ah uusan noqon karin dastuur dal iyo dad aan raali isu ahayn lagu dhaqi karo, teeda kale waxaan muran ka taagnayn in  habka doorashada degaanka ku saleeysan uu yahay hab ay isticmaalaan bulshada caalamka kuwooda caqliga bisil, waana habka ugu fiican ee doorasho, isla habkaasi wuxuu ku yimaadaa qof iyo cod(One man one vote) ee kuma yimaado qaybsi qabiil, laakiin habka qaybsiga degaanka ay Soomaalidu rabto wuxuu noqon doonaa hab aan haba yaraatee ka hirgeli Karin dad qabyaaladu ku fog tahay sida dadka Soomaalida, wuxuu kaloo habkaasi meesha ka saarayaa qolada hadda loo yaqaano kuwa laga tirada badan yahay oo aan haba yaraatee xaq u yeelan doonin in nidaamka iyo dalka ay wax ka leeyihiin ka qaybgalaan maamulkiisa xuquuq simana ku yeeshaan.

By Mustafa Salad Awale

Share This Post

Post Comment